Daraasad layaab Badan… Ku Labbiska Waxyaabaha Qaaliga ah oo Kaa Lumisa Soo Jiidashada, Indhaha Dadka Kale!

GETTY

Haddii aad aaminsaneyd in dharka qaaliga ah ee aad wadato uu kaa dhigayo qof soo jiidasho badan waad khaldan tahay, waa natiijo ka soo baxday cilmi-baaris dalka Mareykanka laga sameeyay.

Cilmi-baaristan oo ay iska kaashadeen mu’asaas badan oo akademiyadeed oo ay ka mid tahay Jaamacadda Michigan, ayaa lagu ogaaday in dadka aaminsan in waxyaabaha qaaliga ah ee ay wataan, sida; kabaha qaaliga, gaariga cajiibka ah iyo saacadaha warshadaha heerka sare ay soo saareen, ay sidaa heersare dhanka bulshada kaga gaarayaan oo sidaa lacago farabadan ku bixiya, arrinta ay raadinayaan waa mid aan u suuragaleyn oo aaney habkaa ku gaareyn.

Stephen Garcia oo ah cilmi-baare daraasaddan wax ka waday, ahna Professor ka tirsan Jaamcadda Michigan ee gudaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in dadka qaar ay iska dhaadhiciyeen in dadka kale ay ku soo jiidan karaan marka ay iibsadaan gaari nooca “BMW” ama ay xirtaan saacad “Rolex” ah tusaale ahaan, laakiin waaqica uu yahay in dadku ay ka fogaadaan dadka noocaas oo kale ku dhaqma ee kallifaadda badan, sidaa darteed; lacaga faraha badan ee ay bixinayaan waxey u keenaysaa natiijooyin ka duwan tii ay doonayeen oo ahayd iney dadka soo jiitaan.

Cilmi-baarayaashan ayaa sameeyay Lix daraasadood oo dadkii ka qeybgalay la weydiinayay habka ay jeclaan lahaayeen iney naftooda u soo bandhigaan, taas oo lagu daray sida ay dadka kale u arkaan.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, Natiijooyinku waxey muujiyeen, in dadka ku labista waxyaabaha qaaliga ah ay raad aan wanaagsan ku reebeen aragtida dadka kale, halka dadkii ra’yi uruurinta ka qeybgalay ay doorbidayeen waxyaabaha aan kallifaadu ku jirin dhanka labiskooda.

Questionnaire-ka dadka la weydiinayay waxaa lagu daray dharka ay jeclaan lahaayeen iney ku labistaan marka ay dibadda u baxaan ee ay doonayaan iney saaxiibbo cusub soo bartaan, dadka intooda badan waxey sheegeen iney jecelyihiin iney xirtaan dhar aaney kallifaadi ku jirain oo iska caadi ah soo jiidasho farabadanna aaney ka muuqan.

Maandeeq FM