Maxaad Sameyn Lahayd Marka Aad Ogaato In Maamulahaagu Aanuu Ku Difaaceyn?

Maqaalkan waxaa qoray Dr. Nicholas Pearce, waxaa lagu soo daabacay jariidada Harvard Business Review

In maamule wanaagsan uu joogo shirkadda aad ka shaqeyso waa nicmo ay dhici karto in isbedel wanaagsan uu noloshaashada ku keento, taa bedelkeedka, waxaan ognahay in maamulaha xun uu dhibaatooyin farabadan u keeni karo shirkadda. Maamulayaasha wanaagsan dadka iyagaa soo jiita kuwa xunna agtooda waa laga kala cararaa, waxaase jira maamule aan la fahmi Karin oo ay waajib tahay inaad la hadasho: waa kan aan dooneyn inuu ku difaaco.

Waxaa dhici karta inaadan ogeyn nooca uu maamulahaagu yahay, inta badan doodaha waxey ka dhacaan daaha dabadiisa; waxaa jira sheekooyin aan muhiim ahayn inaad ogaato, sida la yiraahdo: 80% waxa lagaa shegayo; waxaa lagaa sheegayaa marka aadan adigu joogin. Waxaa dhici karta inaan maamulahaagu uu uga fogaanayo inuu wanaag kaa sheego isagoo kuu diiddan in dallacasiin goonni ah laguu sameeyo, horumarkaagana uu horistaago, waxaa dhici karta inuu horistaago rajadaada mudada fog ee ah in mar un aad dallacsiin heli doonto.

Marka aad ogaato inaan maamulahaagu ku difaaceyn; falcelintaadu waxey noqonayasaa inaad adigu naftaada difaaco, adigoo markaa isku bedelay aalad xiriirka dadka ka shaqeysa, dhaqankaasi mid wanaagsn maaha. Waxa uu keenaya inaad naftaada xayaysiiso goobta shaqada arrintaas oo natiijooyin aan la mahdin keeni karta; waxaa laguu arkayaa qof anaani ah oo aan cid kale dan kalahayn mu’asasa uu ka shaqeeyana mustaqbalkeeda aan ka fakareyn. Haddii aad dooneyso in dadka kale ay si wanaagsan kuu arkaan, waxaa muhiim ah inaad ogaato marka hore sababta uu maamulahaagu kuu taageeri la’yahay inta aadan gaarin go’aan kasta ee kale.

Marka hore, si gaar ah u eeg in mushkiladdu ay adiga tahay, si kale haddii aan u dhigno, waxaa dhici karta inaan maamulahaagu xumeyn; waxaa dhici karta in horumarkii lagaa rabay aadan weli sameyn, ama xirfadihii lagama maarmaanka ahaa aadan weli lahayn, ama aadan soo bandhigin xirfadihii loo baahnaa, si maamulahaagu uu kuu taageero.

Si arrintaa aad u xalliso, si gaar ah u eeg waxqabadka dadka kaa waanaagsan ee shirkadda ka shaqeeya, la sheekayso oo weydii halka ay isleeyihiin waad u baahan tahay inaad iska horumariso, iyadoo sidaas oo kale lagaa rabo inaad talo weydiiso maamulahaaga oo aad sida uu kuu sheego u fuliso, si ay kuugu hirgalaan danta aad leedahay ee dallacsiinta ah.

Markii aan wax dhigista ka bilaabay Kellogg School of Management ee jaamacadda Northwestern University, waxaan kulan la qaatay maamulaha kulliyadda si aan u ogaado waxyaabaha uu iga filayo. Waxaan doonayay inaan fahmo aragtidiisa uu ka qabo in qofku uu shaqadiisa ku wanaagsan yahay, si aan shaqadayda u horumariyo anigoo og halka aan u socdo. Doodahaas oo kale ayaad maamulaha shaqadaada la yeelan kartaa xilli hore si hadafkaaga aad u qabsado waddo saxda ah.

Haddii aan ka soo qaadno in howlgudashadaadu ay aad u wanaagsan tahay oo waxyaabihii lagaa filayay aad ka sare marto, sidaas oo ay tahayna aadan haysan garabkii aad u baahneyd, markaa mas’aladu shakhsiyadaada ma taagna, waxaase lagaa rabaa adigu inaad daawadeeda hesho, waxaa lagaa doonayaa inaad raadiso istiraatiijiyad in la dhaqangeliyaa ay sahlan tahay si aad u horumariso shaqadaada, saddexdan waddo ayaad qaadi kartaa si aad mushkiladda u xalliso:

  1. Maamulahaaga ka xoree filashooyin khaldan si uu kuu difaaco

Sida aad uga niyad jabi karto marka aad ogaato in maamulahaagu aanuu ku difaacayn, ayay tahay inaad ogaato iney muhiim tahay inaadan arrinta u qaadan mid shakhsi ah, waxaa dhici karta in maamulahaagu aanuu ammaan dareemayn joogistaada oo uu kuu arko qof isaga tartan kula jira, arrintaas oo keeni karta inaanuu ku difaacin, isku day inaad ka adkaato niyad jabka, carada maadaama aan maamulahaagu ku difaacayn.

  1. Raadi qof ku garab istaaga

Sida ugu wanaagsan, waxaa jira xubno kale oo saameyn ku leh mu’asasada oo shaqada aad qabaneyso ku qancsan isla markaana ay dhici karto iney ku difaacaan, halkaas ayaa laga yaabaa marka la qiimeynayo dadku goobaha ay ku habboon yihiin loo dhiibayo lagaa difaaco oo la soo bandhigo awoodahaaga waxqabad iyo kartida aad leedahay. adigoo marwalba shaqadaada wanaajinaya.

  1. Sameyso xulafo kuu gaar ah oo gudah iyo dibadda mu’asasa ka tirsan

Sida dhabta ah ee aan daah saarneyn waa hoggaamiyeyaasha wanaagsan; waxey kasbadaan taageerada dadka ka sarreeya iyo saaxiibadooda shaqada iyo maamulayaashooda tooska ay u hoos tagaan, dhaqankaaga wanaagsan, gaar ahaan kuwa aan awoodda ku lahayn mu’asasada, dadkaas oo dhan waxey diyaar u yihiin iney ku garab istaagaan, sidaas oo kale xiriirkaaga dibadda ee dadka aad la leedahay mararka qaar waxa uu dhalin karaa guux wanaagsan oo ku khasabta mu’asasaada shaqada in si wanaagsan laguu garab istaago.

Dhammaan waxaan u baahan nahay dad ina taageera oo weji wanaagsan inaga gudbiya; marka aanan nafteenna ka warrami Karin oo aanan is-difaaci karin iyo marka aanuu maamulahaagu ku difaaci waayo, waxaa dhici karta iney xaaladda kugu adkeyso, waxaadse muhiim ah in arrintaasi aaney horumarka kaa horistaagin. Waxaa dhici karta mashruuc kaliya, ama fadhi kaliya, wareysi kaliya oo lagula yeesho; aad dadka kale ku soo jiidato oo la arko kartidada iyo awoodda aad u leedahay inaad howlqabad weyn sameyn karto.

Dr. Nicholas Pearce waa professor management iyo organizations-ka ka dhiga jaamacadda Northwestern University kulliyadda Kellogg, waa milkiilaha iyo maamulaha shirkadda “The Vocati Group oo ah shirkad adeegyada la talin heer caalami ah. Waa khabiir caalami ah oo dhanka hoggaanka, iskaashiga iyo isbedelka gudaha mu’asasaadka ka tirsan.

FG: Maqaalka waxaa tarjumay Khadar Xuseen ‘Gebilay’ oo ka tirsan Maandeeq FM, lama qaadan karo ogolaanshiyo la’aan.

Maandeeq FM