Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo Ka Qeybgalay Xaflad Ay Ku Qalinjabinayeen 500 oo Ardayda oo Ka Tirsanaa Jaamacadda SIU

Munaasabad ay ku qalinjabinayeen in k abadan 500 oo arday oo dhammeysay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ardaydii qalinjabineysa ku dhiirrigeliyay iney waxbarashadooda sii wataan.

Sida uu sheegay Shaafici Diiriye Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Akaadeemiyada jaamacadda SIU ardayda sanadkan jaamacadda ka qalinjabisay waxey ahaayeen 500 oo arday oo 5 kulliyadood oo kala duwan ka qalinjabisay:

“Xafladda aan iskugu nimid ee Qalin jabita jaamacadda SIU Class of 2018, waxaa ka qalinjabinaaya 5 kulliyadood, kulliyadda koowaad oo ah Gacansiga iyo dhaqaalaha, kulliyadda laab oo ah Engineering and computer teknology, kulliyadda Saddexaad oo ah cilmiga bulshada iyo siyaadda, kulliyadda afaar oo ah xanaanada xoolaha iyo cilmiga beeraha, kulliyadda 5aad oo ah kulliyadda caafimaadka. ardayda guud ahaan qalinjabineysa waxey ka kooban yihiin 535 arday oo iskugu jira labo qeybood, si guud wiilsha qalinjabinaayaa 335 arday, sidoo kale gabdhaha qalinjabinaayaa waa 220 arday.”

Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay xafladda ayaa u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ardaydan iney soo saarta iska kaashatay:

“Marka ugu horreysay waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Jaamacadda Caalamiga ah ee Somaliya ama SIU, xafladdaan qalinjabinta ay nagu martiqaadeen, waxaan leeyahay runtii shaqo fiican ayaad soo qabateen, sidaa si la mid ah waxaan rabaa inaan u mahadceliyo macallimiintii waqtiga badan soo galiyay ardadaydan quruxda badan, waxaan kale oo sidaa iyo si ka sii wanaagsan doonayaa inaan ugu mahadceliyo waalidiintii ardaydan dhalay oo aan is leeyahay maanta waxey soo gaareen heer ay ku faani karaan, ubadkii ay dhaleen oo maanta ka qalinjabiyay jaamacadda.”

Wasiiru dowlahu waxa uu tilmaamay iney dhawaan golaha wasiirradu ay ansixiyeen sharci lagu xakameynayo dadka ajaanibta ah ee dalka ka shaqeysa uuna socodo qorsho lagu tiro koobayo, si fursadda ugu muhiimsan loo siiyo ardayda dalka ka soo baxaysa.

Sidaas oo kale waxa uu gacansata ugu baaqay iney kaalin ka qaataan shaqaaleystiinta ardayda gudaha dalka wax ku baratay ee dhaqankii iyo waxwalba oo gudaha dalka ka jira si gaar ah ula socda.

Ugu dambeyn,  Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare  ayaa u hambalyeeyay ardaydii qalinjabineysa, isagoo ku dhiirrigeliyay iney waxbarashadooda sii wataan:

“Waxaan salaamayaa ardayda maanta qalinjabineysa, waxaan salaamayaa dadweynaha kale ee ak soo qeybgalay xafladda, Aniga maanta sharaf bay ii tahay inana ka soo qeybgalo 500 oo dhalinyaro Soomaali ah oo ka qalinjabinaysa jaamacaddan Caalamiga ah ee Soomaaliya, ardaydaana waxaan leeyahay guul iyo mustaqbal fiican ayay u tahay, intaa kadib maaha aqoontu shahaadada koowaad ee la qaato, waxaan qabaa aqooni meel ay ku dhammaataa ma jirto, waa soconeysaa markaa waxaan ku boorinayaa dhalinyaradaa maanta shahaadadii koowaad qaadaneysa iney aqoontooda sii kordhiyaan.”

Maandeeq FM