Argentina..Askariyad Guux Ka Dhex Dhalisay Bulshada Dhaqankan Ay Sameysay Dartii!

Gabar boolis ah oo u dhalatay dalka Argentina ayaa isku bedeshay xiddig, kadib markii sawirkeeda iyadoo ilma yar nuujinyesa uu si aad ah ugu faafay Baraha-bulshada oo dadku ay si aad ah ula dhaceen dhaqankeeda wanaagsan ee hooyanimadu ka muuqato.

Celeste Ayala ayaa booqatay cisbitaalka dhallaanka ee Sor MarĂ­a Ludovica oo ku yaalla meel u dhow Buenos Aires, halkaas oo loogu sheegay ilma yar oo si aad ah u ooyaya, gabadhan askariyadda ah oo dhawaan un umushay ayaa waxey dareentay in ilamaha yar uu nuujin u baahan yahay.

Sida uu sheegay TV CNN, iyadoo dharkii rasmiga ahaa ee booliska wadata ayaa ilmihii yaraa ay nuujisay, markii ay xaqiiqsatay in ilmahaa yari u baahan yahay hooyadii.

Qof ka mid ah saaxiibbada gabadhan booliska ah ayaa Facebook ku faafiyay sawirka iyadoo ilmaha yar nuujineysa , waxaa ka falcelisay 112 kun oo qof, iyadoo aad loo ammaanayay dareenkeeda hooyanimo ee sida dhabta ah ay u muujisay.

Saaxiibka gabadhan booliska ah ayaa yiri: “Waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhaqankan qiimaha badan kaas oo kalgaceyl uu ka burqanayo, marka la eego ilmahaa yar waxa ay u qabatay.”

Sida ay ilo xukuumadda ka agdhow ay sheegayaan ilmahan yar ayaa hooyadii laga fogeeyay xilliyadii dambe, iyadoo aan la sheegin sababtii tallaabadaa loo qaaday ee ilmahaa yar iyo hooyadii loo kala geeyay.

Si kastaba, gabadhan booliska ah ayaa la dallacsiiyay oo illaa heer sarkaal la gaarsiiyay, qiimeyn iyo mahacelin loogu jeedinayay dhaqankaa wanaagsan ee cid weliba ay u riyaaqday.

Maandeeq FM