WararkaWaxbarashada

Masar..Lama Filaan Laga Helay Caloosha Neef “Udxiya” Loogu Talagalay!

Deegaan ka mid ah gobolka Assiut ee gudaha dalka Masar ayaa dadkii daganaa ay dahab ka dhex heleen caloosha Udxiyo ay ku ciidaysanayeen.

Qofkii Udxiyada soo iibsaday ayaa sheegay inuu caafimaadkeedu uu taam ahaa markii uu soo iibsadanayay labo isbuuc ka hor. markii la gowracay kadib, xilli ay dumarku nadiifinayeen caloosha ayaa waxey ka heleen dahab u soo raacay raashiinkii ay cuneysay.

Dumarkii dababka heley ayaa goostay iney iibiyeen oo ay lacagtana kala qeybsadaan, waxeyna arrintaa u arkeen “Xaqal ciid” Alle SW uu siiyay Munaasabadda Ciidul Adxaa.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close