Xal Loo Hindisay Mushkilad Haysata Dowladda Ugu Weyn Adduunka.. Caruur Dhal ama Lacag Bixi!

Aqoonyahanno Chinese ah ayaa soo hindisay xal bulshada ku dhiirrigelinaya iney caruur badan dhalaan si loo waajaho mushkiladda gabowga ee bulshada Shiinaha ku sii kordhaysa.

Sida ay qortay jariidada The Telegraph, hindisahan cusub ayaa qoyska aan caruur lahayn ama hal canug oo kaliya haysta laga doonaya iney lacag ku taageeraan “Sanduuqa hooyada”, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in duqnimada bulshada ku sii kordheysa lagu yareeyo si looga hortago mushkiladaha shaqaale yarida ah ee laga cabsi qabo.

Labadan aqoonyahan ayaa qoysaska ugu baaqay da’doodu ka yar tahay 40 jirka ee hal-canug oo kaliya haysta, iney sanadkii lacag ku taageeraan sanduuqa hooyada, sanduuqaas ayaa looga golleeyahay in lagu taageero qoyasaska doonaya iney caruur badan dhalaan.

Waxey intaa sii raaciyeen: “Marka qoyska uu canug labaad dhalo ama ka badan, waxaa laga cafin karaa iney sandquuqa lacag ku taageeraan, sanduuqan ayaa hooyada lacag laga siinaya inta ay umusha tahay.”

Dowladda ugu dadka badan Adduunka ayaa dooneysa hadda iney dadkeedu caruur badan dhalaan, iyadoo si weyn looga cabsi qabo in awoodda shaqaalaha dalkaasi ay daciifto oo ay la jaanqaadi weydo dhaqaalaha sida weyn u kobcaya, halkaasna ay ka dhalato mashaakil bulsho iyo mid dhaqaale.

Dowladda Shiinaha ayaa sanadkii 2016 khafiifisay qaanuunkii dhalmada, iyadoo qoys kasta loo ogolaaday iney dhali karaan Labo caruur ah, halkii markii hore qoysaska hal-canug oo kaliya loo ogolaa, laakiin dadkii ayaa weli lagu kari la’yahay iney caruurta badiyaan, arrintaas oo dhalisay in laga walaaco in bulshada uu duqow ku dhaco dhalinyaraduna ay ku yaraato.

Maandeeq FM