WararkaWaxbarashada

Ardayda Dhammeysay Waxbarashada Fasalka 8aad ee Deegaanka Awrboogeys oo Mustaqbalkooda Laga Dayrinayo

Dhalinyarada dhammeysatay waxbarashada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ee deegaanka Awrboogeys ee gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in waxbarashadoodii ay mugdi ku jirto, maadama aanuu deegaanku lahayn dugsi sare.

Macallin Cabdiqani Axmed Jaamac, oo ka mid ah macallimiinta wax ka dhigta dugsiga hoose dhexe ee Awrboogeys oo wareysi siiyay VOA ayuu kaga hadlay dhibaatada waxbarasho ee deegaanka ka jirta, isagoo tilmaamay in waxbarashadii ubadka uu mugdi ku jiro:

“Waxaan odhan lahaa dalkiinna soo dhista, ardaydii deegaanka Mustaqbalkoodu waxa uu ku jiraa madow, 1 ilaa 8 qofku inta uu ku jiro waa barbaarin waxbarasho maaha, waxbarashadii waa dugsi sare iyo jaamacad, tiina mahayaan. Hadda sanadkan illaa 60 arday baa ka baxay 8-ka, magaalada ayay tuban yihiin oo ay joogaan, dib bay u noqdeen oo waxey ku noqdeen camal(shaqo) la’aantoodii, markaa waxaan leeyahay soo dhistay magaaladiinna wey idiiin baahan yihiin dadkiinnu dugsi sare ayaa loo baahan yahay, haddii kale mustaqbalka magaaladu wuu lumayaa, dabeedna kan ugu fiican waxa uu dib ugu noqonayaa xoolihii ama waxa uu noqonayaa dibjir(derbi jiif).”

Khadra Jaamac Maxamed oo ka mid ah 30 gabdhood oo sanadkan ka qalinjabisay dugsiga hoose dhexe ee Awrboogeys ayaa sheegtay iney la dhibaatoonayaan dugsi sare la’aan haysata:

“Ka bacdi marka aan dhammeynnay dugsigii hoose dhexe, waxaan weynnay waxbarashadii dugisa sare, magaaladayaduna ma laha secondrey, ugu yaraan waxaan sanadkan ku dhammeynnay 30 arday oo hablo ah, halkii aanu heli lahayn secordrey magaaladu ma laha secodrey oo ah baahidayda waxbarasho, dhibaatadani wey na saameysay jiilkii naga horreeyayna wey saameysay, markaa waxaan dooneynaa in lanoo dhiso secondry.”

Ammaal Cabdillaahi oo ka mid ah waalidiinta ay sanadkan arday dugsiga dhexe uga qalinjabiyeen ayaa ka hadashay dhibaatada ay ku qabaan dugsi sare la’aanta ka jirta deegaan, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

“Dadka badankoodu ma awoodaan iney ilmahooda meel geeyaan, markaa suuqa ayey dib u galaan oo magaalada ayey iska joogaan, markaa waxaan u baahan nahay in sida ugu dhakhsiyaha badan dadka degmadan u dhashay iney u dadaalaan oo ay isku taxaluujiyaan, waxey noqoneysaa Labo mid in ilmihii halkaa aad faraha ka qaadid oo kuu joogo iyo inaad qof u geysid, ilmo qof aan dhalin loo geeyay dee dhibaatadiisa ayuu leeyahay, markaa dhib aad u farabadan ayey annaga nagu haysaa. maalin walba ama reer baa guura ama ilmihii baa la dhiibayaa.”

Si kastaba, dadka deegaanka u dhashay iyo cid kasta oo wax ka qaban karta ayaa loogu baaqay iney gacan ka geystaan dhibaatada dugsi sare la’aanta ah ee deegaanka Awrboogeys ka jirto, iyadoo mustaqbalkii dhalinyarada deegaankaasi uu khatar ku jiro.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close