Buugga “Garaadlaawe” ee Madaxweyne Trump Laga Qoray oo Ugu Sare Maray Liiska Kala Iibsiga Buugaagta

Buugga “Garaadlaawe” ee ay qortay Omarosa Newman caawiyihii hore ee Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa si aad ah looga iibsaday suuqa buugaagta Mareykanka, buuggan ayaa daaha-ka-rogay faahfaahin badan muddo sanad ah oo ay caawiye u ahayd madaxweyne Donald Trump. buuggan ayaa laga iibsaday 33 kun oo nuskhadood isbuuciisii koowaad.

Buuggan ayaa ugu sare maray liiska kala sarreynta iibsiga buugaagta ee The New York Times Best Seller List. waxa uu ku dhex geynayaa gudaha Aqalka Cad ee Mareykanka, waana buuggii ugu muhiimsanaa ee aan xigashadiisu badneyn. sidaas oo kale buuggan waxa uu ugu sare maray liiska “Times” ee buugaagta daabacan iyo kuwa electronic-ga ah.

Omarosa Manigault Newman, waxey ku duraysaa madaxweyne Trump inuu jeediyay khudbado xanaf ku reebatay dadka asalkoodu uu Afrikaanka yahay, kuwa Filipinos-ka ah iyo kuwa kale oo minorities ku ah gudaha dalka Mareykanka, taas oo lagu daray, sida ay tilmaameyso, “Illowshiiyo iyo niyad jab”, waxey arrintaa ka tiri “Cidina ma inkiri karto awoodihiisa caqliga ee hooseeya.”

Haweenaydan ayaa warbaahinta dhow jeer ka soo muuqatay inta aan buugeeda la faafin isbuucii hore.

Trump ayaa Omarosa ku tilmaamay Isbuucii hore iney tahay “Eeyad”, “Waalan” oo “Aad u liidata.”!

Maandeeq FM