Dhaawicii “Snowden” Mid La Mid Ah Ayey U Geysatay Mareykanka.. Ciqaab Adag Ayaase La Marsiiyay!

Haweenay Mareykan ah oo ka shiftay warbixin sir culus ah oo ku aaddaneyd faragelintii Ruushka ee doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Mareykanka 2016, ayaa lagu xukumay xabsi 5 sano oo xarig ah iyo saddex bilood, waana ciqaabtii ugu adkayd ee qof sir faafiyay la marsiiyay gudaha dalka Mareykanka.

Reality Leigh Winner oo (26 jir ah), waxey ka shaqeynaysa shirkad qandaraas ka haysatay Wakaaladda Ammaanka Qaranka Mareykanka, waa qofkii ugu horreeyay ee Qaanuunka jaasuusnimada lagu xukumo Khamiis August 23, 2018. Waa inta uu madaxweye Trump uu xilka Aqalka Cad hayo.

Haweenaydan oo gobolka Taxis ka soo jeedda ayaa waxey raacday wadadii ay qaadeen (Edward Snowden) iyo (Chelsea Manning) oo dadka taageersan ay sheegaan iney daaha-ka-rogeen macluumaad faa’iido u leh ra’yiga dadweynaha shuruucda qaarna sababtooda wax looga bedelay, halka dadka dhaliilaa ay ku tilmaamaan iney khiyaano Qaran ku kaceen.

Winner ayaa warqado sir ah ka daabacatay goobta ay ka shaqeyso kadib u dirtay website-ka wararka baahiya ee la yiraahdo “The Intercept“. Warbixinta ay gudbisay waxey sharraxaad ka bixineysaa sida sirdoonka Ruushku  ay dhowr jeer u jiireen nidaamka doorashooyinka Mareykanka, si ay saameyn ugu yeeshaan.

Snowden ayaa sidan si la mid ah sanadkii 2013 faafiyay xogo sir cusus ah oo uu ku kashifay in wakaaladda Ammaan Qaranka Mareykanka ay barnaamijyo sir ah oo aad u ballaaran ay filaysay si ay u dhageysato xiriirrada taleefoonkooda iyo internet gudaha dalka Mareykanka iyo dibaddiisaba. Arrintaas waxaa kasoo baxay qaanuun wakaaladda looga mamnuucayo iney dadka dhageysato.

Snowden oo gudaha dalka Mareykaka looga aqoonsan yahay khaa’in ayaa u cararay markii hore Faransiiska, hadda magangeliyo siyaasadeed waxa uu ka hastaa dalka Ruushka oo loo loo ogolaaday inuu halkaa sii joogo illaa 2020.

Maandeeq FM