arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

2 Astaamood oo Dumarku Ay Ragga Kaga Fogaadaan (Cilmi-baaris)

Ragga inoota badan waxey isku dayaan iney dumarka ku soo jiitaan caqli badnaantooda, laakiin, astaantaa dumarku kama helaan, waa sida ay sheegayso daraasad dhawaan soo baxday.

Daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacad ku talla galbeedka Australia, ayaa lagu ogaaday in dumarka aaney ka helin ragga aadka u caqliga badan ama aadka u qurxda badan. laakiin qodobkani ma khuseeyo ragga raadiya dumarka caqiliga iyo quruxda isku darsaday ee heerka sare.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxey boqolaal dumar ah weydiiyeen waxyaabaha soo jiidashada leh ee ay ku xushaan lamaanahooda nolosha, waxeyna ka qeybgalayaashu qiimeynayeen 4 astaamood: Muuqaalka wanaagsan, caqli badnida, dabeecad wanaagga iyo dhaqan wanaagga.

Dumarka ayaa la waydiinayay su’aalo afartaa astaamood ku saabsan oo hab boqolley ah loo diyaariyay, tusaale ahaan inuu yahay qofka romantic ah oo soojiidashiisu lagu qiyaasay 6 halbeeg oo ka bilowda aan soo jiidasho lahayn kuna dhamaada ugu soo jiidasho badan.

Natiijada daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka “British Journal of Psychology“, ayaa muujisay in markasta oo heerka boqolleyda qiimeynta ee caqaliga uu ka sarreeyo 90% ay yiraahdeen waa inuu qurux leeyahay. halka marka heerka caqli badnaantiisa ay ka badan tahay 99% ay hoos u dhigeen heerka quruxda ay ka filayaan. iyadoo ay jirto in intooda badani ay ka leexdeen astaamaha caqliga iyo quruxda dheeraadka ah.

Si kastaba, daraasaddan oo sida muuqata muujisay in dumarka intooda badan aaney xiiseeyn ragga aadka u caqliga badan ama u quruxda badan. ayaan dhanka kale aan lagu sheegin astaamaha ay dumarka intooda badani ay ragga ku xushaan.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close