Cudur Aan La Garaneyn oo Ku Dhacay 300 oo Kun oo Qof…Dhakhaatiirtu Malaayiin Qof Ayey Uga Digayaan

Dhakhaatiir Mareykan ah ayaa ka digay cudur halis ah oo ku faafaya daafaha kala kala duwan ee Mareykanka, cudurkan ayaa sababi kara istaroog.

Sida ay qortay “Daily Mail“, cudurkan oo la yiraahdo Chagas Disease ayaa waxaa faafinaya cayayaanka “kissing bug’, kaas oo dadka ka qaniina meel afka agtiisa ah.

Cudurkan ayaa ku faafay dhex bartamaha iyo koonfurta Qaaradda America, laakiin hadda waxa uu soo gaaray dhanka waqooyi Mareykanka, cudurkan ayaa ku dhacay in ka badan 300,000(Saddex boqol oo kun) oo Mareykan ah.

Bayaan ay soo saareen ururka cudurrada Wadnaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in haddii sida ugu dhakhsiyaha badan loo ogaan waayo nooca cudurka “Chagas” si degdeg ahna loo daaweyn waayo uu baaba’ badan u geysan doono daafaha kala duwan ee Mareykanka.

Chagas waa cudur uu cayayaan sababo waxa uu ku faafaa goobaha cimilladoodu kulushahay, waxa uu ku noolyahay caloosha cayayaanka inta aanuu aadanaha u gudbin ka hor.

Dhakhaatiirta qaar ayaa aaminsan in cudurka laga qaado saxarada saxarada cayayaanka iyogoo tilmaamaya in “Saxaradii marka ay gaarto dhaawac furan ay sababeyso in qofkii uu cudurka qaado.”

Cudurkan ayaa calaamadaha lagu garan karo waxaa ka mid ah: Madax xanuun, xumad, daal, haragga oo finin ay ka soo yaacayaan iyo hareeraha goobta uu ku dhoco oo bararta.

Maandeeq FM