Saameynta iPhone Ku Lahaa Sare u Kaca Qiimaha Shirkadda “Apple” oo Muddo 11 sano Ah Ku Gaartay Trillion Dolar

 

Xilli sii horreysay ee bishan aan ku jirno ayaa qiimaha shirkadda Apple uu gaaray “Trillion dollars”, iyadoo sidaa ku noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Mareykan ah ee qiimaheedu  xadkaa uu gaaro , falanqeeyeyaal farabadan oo arrimaha dhaqaalaha ah ka faallooda ayaa isku raacsan in sababaha ugu badan ee shirkadda guulahaa ku riixday ay tahay mobile-ka iPhone.

Hadaba, warbixintan waxaa ku eegaynaa sooyaalka guulaha Apple bilowgii hore illaa qiimaheedu uu ka gaaro Trillion dollars.

2007: Waxaa suuqa la soo geliyay taleefoonkii ugu horreeyay ee iPhone ah dunida.. waxaa sanadkaa laga iibsaday 270,000 xabo 30 saacadood ee ugu horreysay.

2008: Apple waxey suuqa soo galisay App Store… waxaa laga iibsaday 60 milyan oo Apps bishii koowaadba.

2010: Waxa ay shirkaddu Suuqa soo galisay qalabkii iPad..waxaa laga iibiyay 300,000 oo xabbo maalintii koowaad.

2011: Shirkaddu waxey suuqa soo gelisay adeegga keydinta iCloud .

2012: Shirkaddu waxey suuqa soo gelisay iPhone 5 oo uu la socdo App-ka Siri

2016: Apple waxey ku dhawaaqday in iPhone X oo qiimihiisu ahaa 1000 doolar.

2018: Apple waxey noqotay shirkaddii ugu horreysa Mareykanka ee qiimaheedu gaaro Trillion dollars.

Maandeeq FM