Daadad Ku Soo Rogmaday Gobolka Kerala ee Dalka India oo Sababay Dhibaato Nooc Kale ah: Abeesooyin Duullaan Ah!

Abeesooyin ayaa u soo magangalyo doontay guryaha dadka gobolka Kerala ee dalka India, kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen gododkii ay ku jireen.

Dadka ka badbaaday daadad ku soo rogamda gobolka Kerala ee koonfurta India ayaa la gaarsiiyay digniin kale oo ku aaddan iney ka gaashaantaan khatarta abeesooyin ah, dibqallooc iyo cayayaanno kale oo sun leh oo guryihii dadka u soo magangalyo doontay.

Kooxo ku takhasusay qabashada abeesooyinka ayaa lagu faafiyay goobaha ay daadadku ku soo rogmadeen, iyadoo ay jirto khatarro ku aaddan in xamaaratadani ay ku dhuumaaleysanayaan armaajooyinka, qasaaladaha dharka iyo sijaayadaha hoostooda.

Afhayeen u hadlay xukuumadda gobolka Subhash T, ayaa yiri : “Waxaa la arkayay abeesooyinka ku jira guryo badan oo daadadku ay saameeyeen, sidaa darteed; waxaa dadka looga digayaa iney ka taxadaraan marka ay guryahooda dib ugu laabtaan.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Waxaa la diyaariyay isbitaallo si xaaladdaa loo waajaho. waxaa la soo saaray amarro si loo furo goobo dadka ku dhaawacma qaniinyada abeesooyinka lagu daaweeyo. waxaa la diyaariyay kaydka daawooyin sunta lagula dagaallamo oo la dhigay dhammaan isbitaallada, gaar ahaan kuwa goobaha daadadka ku soo rogmadeen.”

Daadadka ku soo rogamaday gobollada Koonfureed ee India ayaa waxey sababeen barakaca Hal-milyan oo qof oo u qaxay xeryo laga sameeyay gobollada kala duwan ee koonfurta India. Daadadkan ayaa waxaa ku dhintay oo lagu waayay 200 qof, iyadoo la soo sheegayo in heerka biyaha uu hadda hoos u dhacay.

Maandeeq FM