Erdoğan Muxuu Ka Yiri Xuska Sanadguuradii 947aad ee Guushkii Alp Arslan uu Ka Gaaray Byzantine-ta

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay munaasabadda guusha dagaalkii “Manzikert”, waxa uu xusay in guushaasi ay fure u noqon doonto xaqiijinta aragtida Turkiga ee yoolka 2023, 2053 iyo weliba kan 2071!.

Hadalka ayuu ku sheegay qoraal uu Axadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu kaga hadlay xuska 947 guuradii laga joogo guushii Sultan Seljuqiyiinta ee Alp Arslan uu ka gaaray Byzantiyiintii gaalada ahayd, dagaalkii Manzikert.

Erdoğan, waxa uu qoray: “Mar haddii guushii Manzikert ay suuraggal tahay, qofna ma carqaladeyn karo xaqiijinta ahdaafta aragtida Turkiga ee 2023,2053 iyo 2071.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan nooleynaynaa xuska hoggaamiyihii Sultan Seljuk-yiinta iyo shuhadadii, annagoo abaal u haynna Allena u waydiineyna inuu u naxariisto.”

Dagaalka Manzikert, Suldaankii Saljooqiyiinta ee Alp Arslan ayaa waxaa u suuragashay inuu jabiyo ciidan aad u tiro badan oo Biisandiyiin, isagoo wata ciidan yar oo fardooley ah. waxa uu dagaalka ku qafaashay boqorkii Biisandiyiinta oo la oran jiray Romanos IV Diogenes ee loo yaqaannay Romanus IV, arrintaas oo albaabada u furtay in Turkigu ay isku faafiyaan Aisa halka maanta loo yaqaanno Turkiga ay dagaan.

Taariikhyahannadu waxey u aqoonsan yihiin dagaalka “Manzikert” inuu ka mid ah dagaalladii ugu muhiimsanaa ee taariikhda Islaamka.

Maandeeq FM