Faa’iidooyin Muhiim Ah oo Laga Helo Caanaha Xilliga Quraacda La Cabbo!

pexels- Pixabay

Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Guelph ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa xaqiijiyay in faa’iidooyin farabadan laga helo caanaha xilliga  subixii hore hore lagu quraacdo.

Cilmi-baarayaashan ayaa waxey sameeyeen daraasad ay ka qeybgaleen 32 mutadawac oo uu ka dalbaday iney cunaan quraac ka kooban xubuub (Cereal) iyo 250 millilitir oo caano ah.

Ka qeybgalayaasha waxaa loo qeybiyay saddex kooxood, kooxda koowaad waxaa la siiyay caano barootiinku ku badan yahay full cream ah, kooxda Laabaad caano dufan dhexdhexaad ah leh, kooxda saddexaadna waxaa la siiyay caano dufanku ku yaryahay oo biyo lagu barxay.

Cilmi-baarayaashu waxey qiyaaseen heerka gulukooska dhiigga ee saddexda kooxood oo dhowr jeer la baaray. Waxaa u soo baxday in caanaha brootiinku ku badan yahay uu yareeyo heerka sonkorta ee dhiigga, sidoo kalena uu dhiirrigeliyo in uu jirku soo saaro hormoon gaabis ka dhigay howsha dheefshiidka, arrintaas oo qofka ka dhigta mid maalintii waqti badan oo ka mid ah dharagsanaada.

Maandeeq FM