Shiinaha oo Drones u Shaaqaaleysiinaya Abuurka iyo Waraabinta Beeraha

Beeraaleyda Shiinaha ayaa bilaabay iney drones u isticmaalaan beerahooda xilliga waraabinta dhirta iyo marka cayayaanka laga buufinayo, iyadoo qofka beeraaleyda ah aanuu gurigiisa ka soo toosin ayaa howshaas oo dhani dhammaneysaa.

Shirkadda “Eagle Brother” ee dalka Shiinaha ayaa adeeggan si rasmi ah u bilaabeysa bisha September 2018.

Qofka beeraaleyda ah waxa uu shirkadda u sheegayaa nooca beertiisu ay tahay iyo waxa ku abuuran iyo badkeedu inta uu dhan yahay, waxaa sidoo kale uu sheegay nooca daawo ee uu doonayo in beertiisa loogu buufiyo.

Shirkaddan ayaa soo diraysa drones si toos ah u abbaaraysa beerta xilliga lagu heshiiyo, waa qofka marka uu bixiyo kharashaadka lagama maarmaanka ah si adeegga loogu qabto.

Shirkad ka shaqeysa gobolka Hyubi ayaa shaqaaleysiineysa 1000 drones oo ah tallaabadii koowaad ee horumarinta beeraha goobaha ciidda wanaagsan ee dalka Shiinaha.

Khubaradan ayaa aaminsan in wadada ay drones-kan biyaha iyo dawada ugu rushayneyso beeraha ay ka wanaagsan tahay kana saameyn badan tahay wadada caadiga ah ee hadda la isticmaalo, iyadoo wax-soo-saarka beeruhu ay kordhayaan 50 laab!.

Shiinaha ayaa waxaa daggan 300 oo milyan oo beeraaley ah, waa sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee si rasmi ah uga soo baxay Shiinaha 2017.

Maandeeq FM