Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ah ee Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka oo Ka Furmay Cadaado

Wasaaradda arrimaha dastuuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa Sabtidii magaalada Cadaado si wadajir ah uga  furay tababar loo fidinayay tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dib-u-eegista dastuurka.

Sida wakaaladda wararka ee SONNA ay sheegtay, tababrkan oo socon doona muddo Afar maalood ah ayaa Sabtida iyo Axadda waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug, halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda dastuurka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad guud ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tababrkaan iyo waxa laga doonayo dadka ka faaidayta tababarkaan.

“tababrka tababarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha ujeedadiisu waxa ay tahay in dadka la tababro ay sii tababaraan dadka kale ee ku nool deegannada hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug si loo daadejiyo arriamaha dastuurka islamarkaana qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa”, Ayuu yiri agaasime Zubayr.

Gabagabadii waxaa kulanka si rasmi ah u furay wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug  Mohamed Colaad waxa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’an tahay daadejinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaga si qof kasta oo ku nool deeganda galmudug uu fahmo muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada.

Maandeeq FM