Madaxweyne Trump oo Ku Dhacay “Khalad” Aan Loo Dhaafi Karin!

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Ayaa Ku Dhacay khalad aan loo dhaafi karin, kadib markii uu awoodi waayay midabbeynta calanka Mareykanka.

Website-ka “Mashable” ee ka soo baxa gudaha dalka Mareykanka, ayaa Axaddii qoray in Trump oo ay la socdaan marwada koowaad ee Melania iyo Wasiirka caafimaadka Alex Azar, ay  booqasho ku aadeen isbitaal caruurta ee ku yaalla gobolka Ohaio isbuucii la soo dhaafay, xilligaa oo kaamirooyinka ay soo qabteen khaladka madaxweynaha ka dhacay, waxa uu ku soo daray calanka layn midab buluug ah, bedelkii laymanka caddaanka iyo casaanka ka koobnaa ee calanka, mar uu caruur ku taageerayay sawirka calanka!.

Warkan ayaa la helay kadib markii wasiirka caafimaadka uu qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka uu soo raaciyay sawirrada booqashada oo markii loo fiirsaday laga helay mid muujinaya khaladka uu madaxweynuhu ku dhacay.

Dadkii ka falceliyay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khaladka madaxweynaha ka dhacay.

Maandeeq FM