Muqdisho: 100 Macallin oo Mushaarkooda Ay Bixineyso XFS oo Tababar Loo Soo Xiray

Tababart loo qabtay 100 macallin oo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Federaalka Soomaaliya oo soconayay muddo 12 maalmood ah ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Munaasabadda lagu soo gabagabeynayay tababarkan oo Shalay dhacday ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hiddaha,iyo tacliin sare ee xukuumaadda federaalka Soomaaliya Xassan Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida ay Wasaaraddu sheegatay, Macallimiinta tababarkan ka qeybgalay ayaa ballanqaaday iney si hufan ugu adeegi doono bulshada islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadkii loo igmaday.

Madaxa tababarka macalimiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Cismaan oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmay macalimiinta iney ka soo dhalaalaan howsha loo xil saaray.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya  Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in wasaaradda ay ku kalsoontahay aqoonta macalimiintan islamarkana looga fadhiyo iney ka soo dhalaalaan howsha hortaalla.

“Sidaad la socotan dhaqatar waxaa soo saara macalin, injineer waxaa soo saara macalin, siyaasi waxaa soo saara macalin, marka hadii tayada macalinka la hagaajin, intaas oo dhan ma soo baxayaan, hadda waxaa idin soo gaba gaboobay tababarkii 12-ka malmood idin socday, waxaa la idin tababaray manhajka cusub, manhajka annaga ayaa qornay faa’ido badan ayuuna u lee yahay bulshada Soomaaliyeed, wasaaradda rajo badan ayay idinka leedahay, taasoo micnaheedu yahay inaad ka dhabeyn doontaan howsha la idin igmaday” ayuu yiri agaasime  Xassan Maxamed.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xilli sii horreysay oo sanadkan ah sheegtay in miisaanyadda wasaaradda lagu soo daray mushaarka 300 oo macallin oo markii ugu horreysay si rasmi ah mushaarkooda ay dowladdu u bixin doonto.

Maandeeq FM