308 Arday oo Ka Qalin-jabisay Kulliyadaha Kala Duwan ee Jaamacadda Jamhuuriya

Munaasabad ballaaran oo loo qabtay qalin-jabinta 308 arday oo dhammeysatay heerka koowaad ee kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Jamhuuriya ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka, Mas’uuliyiin ka socotay jaamacadaha dalka, Macallimiinta, waalidiinta, ardayda jaamacadda Jamhuuriya iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo xafladda ka qeybgalay ayaa ardayday u hambalyeeyay isla markaana ka hadlay qiimaha, akhlaaqda iyo aqoonta aan la iska indha tiri karin ee ay leeyihiin ardayda dalka gudihiisa wax ku barata:

“Dalka waxaa soo galay shahaadooyin macmal ah oo dalal kale ay leeyihiin, annaga waxeenna annagaa isla leh, annagaa is eegan doonna, waxaa mushkiladdu ay tahay dadkale oo waddo ama ha noo dhawaadaan ama hanaga fogaadaano shahaadooyinkooda lasoo macmalay si loogu shaqeeyo dalka, isagoo ninka dhalinyarada ee Soomaaliga ah uu baahan yahay oo shahaado jaamacadeed oo ka tayo fiican oo sax ah uu haysto.”

Eng. Maxamuud Axmed Jimcaale, guddoomiyaha jaamacadda Jamhuuriya ee Culuumta iyo Teknoolojiyada ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda qalin-jabineysa isagoona tilmaamay in jamaacadaha ay diyaar u yihiin in wixii dhaliil ah oo ay leeyihiin ay qaataan:

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo ardayda maanta halkan ka qalin-jabineysa, waalidiintooda, caruurtooda, qoysaskooda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Illaahay yaa ku mahadsan kumaana jeer inuu idiin fududeeyay inaad gaartaan himilooyinkiinna, waxaan rabaa inaan halkaan ka xuso dadkii Soomaaliyeed ee u istaagay iney tacliinta soo nooleeyaan, kadib markii uu burburku inagu yimid dib u soo nooleeyay tacliinta sare. Waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in Jaamacadaha Soomaaliyeed aaney ka gilgilaneyn wixii cillad ah oo ay leeyihiin, waxaan joognaa waddan ay waxbadan ka khaldami karaan, laakiin waxaan qireynaa inaan diyaar u nahay in lana dareensiiyo dhaliisha saxda ah.”

Si kastaba, sanadkan waxaa jaamacadda ka qalin-jabiyay dufcaddii saddexaad oo ka koobneyd 308 arday oo wax ka baraneysay Afar kulliyadood oo kala duwan oo jaamacadda Jamhriiya ay leedahay.

Maandeeq FM