WararkaWaxbarashada

936 Arday oo Maanta Ka Qalin-jabisay Jaamacadda Hargeysa.. Horey Waxaa Usoo Maray Madaxweyne “Biixi” & Kala Bar Golihiisa Wasiirrada

Jamaacadda Hargeysa oo ka mid ah jaamacadaha ugu facaweyn Somaliland ayaa maanta waxaa ka qalin-jabisay 936 arday oo iskugu jira Bacholar iyo Masters degree.

Xafladda qalin-jabitan ayaa waxaa ka soo qeybgalay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda sare , Wasiiro, xubno ka tirsan labada gole baarlamaanka Somaliland, marti sharaf kale, ardaydii qalin-jabineysa iyo waalidiintooda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse oo hadal jeedin ka sameeyay xafladda qalin-jabinta ayaa u hambalyeeyay ardayda isagoo sheegay in sanad walba sanadka ka sambeeya tirada ardayda ee wiilal iyo gabdho ay isku soo dhawaanayaan:

“Ardaydaa maanta qalin-jabineysa ooy tiradoodu dhan tahay 936 arday, 2004 ayaa dufcaddii koowaad baxday, maanta oo 2018 ah waxey marayaan 862 arday(guud ahaan ardaydii jaamacadda ka baxday). 936 arday ee baxaysa 506 waa inamo , 430 waa hablo.”

Dr. Maxamuud, waxa uu marqura ardayda istaajiyay si uu ugu akhriyo farriintii qalin-jabita ee jaamacadda:

“Ka dib markii aad buuxiseen shuruudihii la idinka baahnaa inaad ku qalin-jabisaan, kadib markii aad dhammeysateen courses-kii la idiinka baahnaa, kadib markii senate-ka jaamacadda uu ansixiyay qalin-jabintiinna 24.8.2018, anigoo tixraacay qodobka 26aad faqradiisa saddexaad ee jaartarka jaamacadda, agnigoo tixraacaya qodobka 7aad, faqradiisa 16aad ee senate legislator Jaamacadda , waxaad mutaysateen inaad ku qalin-jabisaan degreeyada kala duwan ee aad mutaysanteen ee bacholar iyo masters-ka iskugu jira, waad qalin-jabiseen hambalyo.”

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada Somaliland ‘Faratoon‘ oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa tilmaamay iney ku guda jiraan sidii ay uga howlgeli lahaayeen tayada waxbarashada, dhawaanna ay iskugu yeeri doonaan shirar arrintaa looga tashanayo.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland oo ka mid ahaa ardaydii horey uga qalin-jabisay jaamacadda ayaa ku tilmaamay iney horumar ballaaran gaartay maadama ay soo saartay madaxweynihii 5aad ee Somaliland iyo kala bar golaha wasiirrada ee ugu muhiimsan:

“Jaamacadda Hargeysa waxaa la furay September 2000, nasiib waxey u leeyihiin inta jamacadaha ay ku guuleystaan 100-200 sano ayay ku guuleysteen 18sano, oo maxaa yeelay; waxey soo saartay madaxweynihii 5aad ee Somaliland, waxey soo saartay murashixii helay 40% codka dadweynaha ee ahaa murashixii xisbiga Waddani, waxey soo saartay kala badh wasiirrada muhiimka ah ee dalka, kuwii sanadkii hore shaqeynayay iyo kuwa maanta shaqeynaya.”

Si kastaba, sanadkan ayaa waxaa jaamacadda ka qalin-jabiyay dufcaddii 15aad, jaamacadda waxaa la aasaasay 2000 bilowga Qanriga 21aad ee aan ku jirno.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close