Farriin uu Qorey “Mandela” oo Lagu Kala Iibsanayo London.. Yuu u Qaray, Maxaase Ku Qornaa?

Caasimadda Ingiriiska ee London September 14, waxaa lagu xaraashayaa farriin uu qoray halgamaagii reer Koonfur Afrika Nelson Mandela oo aan hore cidi u daalacan.

Sida ay qortay jariidada “The Guardian” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Mandela ayaa farriintan qoray 1 October 1974, xilli uu ku sugnaa xabsi ku yaalla jasiiradda Robben.

Farriintan ayuu qoray markii uu maqlay geerida saaxiibkii Michael Harmel bilo ka dib.
Farriintan qalin qoraalka ah ayaa la filayaa in la kala siisto 100,000 oo giniga Ingiriiska ah, waa lacag u dhiganta 127,730 kun oo doolar.

Farriinta ay xambaarsaneyd

Farrintan ayaa ku socotay gabadha iyo xaaskii uu ka tagay saaxiibkii Harmel, waxa uu ku yiri: “Adiga iyo Ray ayaan idinku fakarayay markii aan maqlay geerida aabaahaagii aan jaclayn, waxba kama ogi waqtiga iyo halka uu ku geeriyooday, waxaan warbixin qalalan ka helay xaqiiqdii shaqsi ay ahayd inaan annagu ka xogogaal sanaanno.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Arrin sahlan maaha inaanan aqbalnno inaan Michael mar kale arki doonin.”

Mandela markii hore daacadnimda Harmel wuu ka shaki sanaa, waxa uu ka yira arrintaa: “Waxaan ku qancsanaa inaanuu mudneyn in dadka xulka ah lagu soo daro, markii sanado aan isla joogney, waxaan aqbalay inuu ahaa qof dabacsan oo ku dayasho mudan.”

Farriinta gabagabeeda waxa uu ku yiri: “Waxaa la yiraahdaa in Iimaanku uu yahay sida geedka Quercus -ka oo kale, waxa uu u koraa si joogta ah, marka uu saldhigtana Qarniyaal ayuu taagnaadaa, weligaa faras ma kortay ama tartan fardo ma daawatay?. yididiiladu waa faraska aad kori doonto, ku safri doonto si aad ugu gaarto halka aad u socoto ee guusha. Hantidayda kaliya ee aan leeyahay nolosheyda waa saaxiibbaday waxey i bareen waxyaabahaas, waxaana ka mid ahaan aabbahaa.”

Matthew Haley oo madax ka ah daarta buugaagta iyo farqoraalka Bonhams oo farriinta lagu soo bandhigi doono lagu xaraashi doono ayaa ku tilmaamay iney tahay “Mid Cajiib ah.”

Maandeeq FM