JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Caadooyinka Ugu Yaabka Badan ee Ay Raacaan Dadka “Hal-abuurka” Leh Si Ay Wax Curintooda U Xoojiyaan

Shaki kuma jirto in dadka qoraaga ah ee wax allifaa ay sameeyaan baaritaano joogto ah, si ay u helaan habka ugu wanaagsan ee ay ku heli karaan afkaar ama waxyaabo kale oo ay ku  bidhaansadaan alifaadooda si ay u soo saaraan riwaayado, sheekooyin iyo buugaag si qoto dheer loo bisleeyay oo dadku ay ka helaan.

Hadaba, maanta waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka mid ah astaamaha la yaabka leh ee ay leeyihiin dadka wax curiya kuwooda dunida ugu sarreeya, waxaa ka mid ah:

  1. In sariirta la isku kala bixiyo

Qoraaga qaar ka mid ah waxey aaminsan yihiin in marka ay sariirta isku kala bixiyaan ay fikrado muhiim ah ka helaan. waxaa ka mid ah qoraaga reer Mareykan Mark Twain, Alifaaga riwaayadaha reer Ingiriis George Orwell iyo actor-ka iyo qoraaga Woody Allen dhamman waxaa lagu yaqaanna in marka ay sariirta isku kala bixiyaan ay warqado badan buuxiyaan oo afkaartu ku soo burqato.

  1. Istagga

Si ka duwan qodobkii hore, in taagnida wax lagu qoro waa shay ay ku caan yihiin dadka wax curiya qaarkood oo ay ka mid yihiin, Ernest Hemingway, Charles Dickens, iyo gabadha qoraaga Ingiriiska ugu caansan ee Virginia Woolf.

  1. In wax lagu qoro warqado yaryar oo googo’an

Vladimir Nabokov qoraagii Ruushka ee qoray ruwaayaddii Lolita ee caanka ahayd, howlihiisa oo dhan waxa uu ku allifay warqadahaa yaryar, warqadaha qaar waxey ugu jirjireen barkintiisa hoosteed, si uu wax ugu qorto marka ay fikarad ku soo dhalato.

  1. Hab madaxu uu hooseeyo mijuhuna ay kor jiraan!

Qoraaga reer Mareykan ee caanka ah «Dan Brown» waxa uu madaxa iyo mijaha lakala rogo waxa uu kali jiray afkaar cusub, iyadoo ruwaayadda définition de uu sidaa ku allifay.

  1. Derbiga oo laga soo horjeesto

Qoraaga reer Mareykan Francine Broz, waxey u aragtaa in xalka ugu naajixsan ee qoraaga uu ka heli karo fikardo ay tahay in derbiga ka soo horjeesto oo uu indhaha ku qabto!

  1. In doodo la sameeyo

Qoraaga dhanka masraxa Aaron Sorkin, wareysiyo uu bxiyay ayuu ku sheegay in sankiisa uu jabay; mar uu sameynayay doodo dumar hortood, xilli uu buuq ka dhashay ayaa dhibaatadaasi ka soo gaartay.

  1. Qahwo badan oo la cabbo

Qoraaga reer Frence ee la yiraahdo Honoré de Belzac ayaa qoraalladiisa muhiimka ah ee uu sameeyo maalintii waxa uu cabi jiray 50 koob oo Qahwo ah!. Sidaas oo kale philosopher-kii reer France iyo mufakirkii Voltaire waxa uu maalintii cabbi jira 40 koob oo Qahwo ah si uu afkaartiisa  muhiimka ah u diiwaangeliyo.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close