Lama Filaan.. Dhalinyarada Dunida oo Firxad Ka Sii Ah “Facebook”

Warbixin cusub oo uu faafiyay wargeyska “Daily Mail” ee dalka Ingiriirska ka soo baxa ayaa lagu ogaaday in dhalinyarada ay ka sii fogaanayaan Facebook ayna u sii guurayaan dhanka Snapchat, khubaradu waxey tilmaamayaan in dhalinyarada da’doodu u dhaxeyso 18- 24 sano ay sanadkan dhammaadkiisa halkaa iskugu biyo shuban doonaan.

Sida dhacdooyinka iyo warbixinnadu ay sheegayaan, in ka badan 350 kun oo dhalinyara ah ayaa u ruqaansaday Snapchat, kaas oo xoogga saaraya sawirka fotographar-ka ah ee (AR), kaas oo codka iyo muuqaalka qofka isticmaala u bedela sawirro iyo muqaallo video ah.

Haddii sida la filayaa ay wax u socdaan, dadka adeegsada Snapchat gudaha UK waxey gaari doonaan 5 milyan oo qof dhammaadka sanadkan, arrintaas oo ka dhigeysa in shabakaddan markii ugu horreysay ay ka sare marto Facebook.

Guud ahaan dadka baraha bulshada isticmaala ee internet-ka ku xiran ayaa la filayaa inuu ku yimaado hoos u dhac gaaraya 4.5 milyan dhammaadka sanadkan, waana khasaare weyn oo gaarsiisan 500 oo kun muddo Labo sanno ah.

Maandeeq FM