Netanyahu oo Israeliyiinta Ugu Goodiyay Bidaar

Wargeys Israel ka soo baxa ayaa ku tilmaantay doorashada “Benjamin Netanyahu” in mar kale loo doorto Ra’isul-wasaare ay bidaar ka soo saari doonto ragga Israel!.

Jariidada “isaelhayom” ee gudaha Israel ka soo baxda ayaa Isniintii qortay iney jiraan sababo caddaan ah oo bidaar u keeni kara ragga Israel, waxaa ka mid ah; in qof qaraabo la ah oo qaali ku ah uu geeriyooda ama shaqsi kale oo nolosha muhiim ku ah, tan labaadna ay tahay in Benjamin Netanyahu uu Ra’isul-wasaare mar kale loo doorto.

Jariidadu waxey hoosta ka xarriiqday in cadaadisku uu ragga u keeno bidaarta, gudaha Israel-na ay ka jirto labo sababood oo cadaadiskaa keeni kara, tan koowaad ay tahay in qof qaraabo la ah uu dhinto, sababta labaad ay tahay in Netanyahu Ra’isul-wasaare noqdo.

Netanyahu ayaa xilli sii horreysay sheegay in xisbigiisa Likud uu kuraas ka badan 40 ka heli doono kuraasta Knesset-ka.

Maandeeq FM