Wadaad Buddhist ah oo Arday Ul Ku “Edbiyay” illaa Uu Ka Geeriyoodo!

Reuters Kim Hong-Ji

Wadaad Buddhist ah oo la yiraahdo Suphachai Suthiyano oo 64 jir ah kana soo jeeda magaalada Kanchanaburi ee dalka Thailand, ayaa arday yar ul kala daalay illaa uu ka geeriyoodo!.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, ardaygan oo la oranjiray Wattanapol Sisawad oo 9 jir ahaa ayaa rabshad sameeyay xilli loo taagnaa salaad jamaaco ah, arrintaas oo ka careysiisay macallinka, waxa uu kala dul dhacay ul uu kaga garaacay madaxa illaa uu ka miyir daboolmo.

Sisawad waxaa loo qaaday dhanka isbitaalka isagoo miyir daboolan, halkaas ayuuna ku naf waayay maalmo kadib, iyadoo dadaal kasta oo la sameeyay aan lagu guuleysan in la daaweeyo.

Ciidanka ayaa wadaadka qabtay, iyadoo la filayo inuu waajaho eedaymo ku aaddan isku day dil, waa sida ay sheegayso Daily Mail.

Wadaadkan Suthiyano ayaa horey loogu yaqaannay inuu caruurta qalqaaliga ah uu si xoog ah u garaaco, hooyada wiilkan yar dhashay oo la yiraahdo  Sukunya Tunhim oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay inaaney weligeed cafin doonin wadaadkan dilka u geystay wiilkeeda yar.

Maandeeq FM