Waxa uu Hindisay “Robot” Kadib Markii uu Dhaqaaqa Gabay.. Isagoo Sariirta Jiifa!

’Curin kasta baahi jirta ayay ka dhalataa’ (Necessity is the mother of invention).. Oraahdaas waxey ku dabaqmeysaa “Lin” oo ah wiil dhalinyaro Shiineys ah oo shil ku dhacay 2013, shilkaasi waxa uu bedelay noloshiisa, waxa uu ka soo dhacay dabaqa faraad waxaa burburtay lafdhabartiisa, iyadoo labada lugood laga gooyo.

Sida uu qoray website-ka CGT, Lin aad ayuu u niyad-jabsanaa illaa uu ka daahrogo Robot-kan qolfoofka ah ee uu soo hindisay isagoo wax ka dhigta jaamacadda culuumta iyo teknoolojiyada electroniga ee dalka Shiinaha, gaar ahaan gobolka Sichuan sanadkii 2015, Robot-kan cidi ma’aaney aqoon, mana la daahrogin illaa uu ka sameeyo “Lin”, dhibaatadii soo gaartay darteed uu u hindiso, si uu noloshiisa ugu maareyo.

Robot-kan qolfoofka ah oo ka sameysan Aloomiiniyoom, waxa uu culeyskiisu yahay 23Kg, dhirirkiisu waxa uu gaarayaa mitir kaliya.

“Lin” waxa uu ku fadhiyay kursi si uu uga dheeraado inuu dhulka ku siibto, waxa uu robotka gashadaa lugaha iyo gacmaha, marka uu badhamo kala duwan taabto waxaa u suuraggal ah inuu dhaqaaqo oo meeshii uu doono uu aado.

Hadda, Lin waxwalba wuu qabsan karaa, wuu socon karaa, Sports-ka ayuu ciyaari karaa, jararjarooyinka ayuu kori karaa, waxwalba oo naftiisa iyo qoyskiisa farxad u keenaya wuu sameyn karaa.

Maandeeq FM