CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Howlqabad Ay Sameyn Karaan Dadka Waayeelka ah oo Dhisaya Uguyada Maskaxdooda Kana Ilaaliya Alzheimer

Alzheimer-ka waxa uu ka mid yahay cuduradda ugu khatarta badan ee ku dhaca aadanaha gaar ahaan marka uu qofku da’ noqdo, waxaa dhimana unugyada maskaxda waxaana halkaa ka bilaabaneysa mushkilado oo Alzheimer ka oo illowshiyuhu ugu horreeyo.

Dr. Wala Wissam oo ku takhsustay caafimaad dadka da’da ah kana tirsan kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Ain Shams ayaa tiri, in layliyada xasuusta iyo kan caqliga uu ka taageero dadka da’da ah in maskaxdooda unugyo cusub ay hesho xasuustooduna ay hagaagto.

Waxey intaa sii raacisay in music iyo barashadiisa uu xoojiyo Temporal lobe ee maskaxda, waxeyna ku talisay in maskaxda la leyliyo sida in la xalliyo erayda kala go’an ee in la isku xiro u baahan, hal-xiraalaha, shaqooyinka xisaabta ee kala duwan iyo shaqooyinka kale ee hagaajin kara adeegga maskaxda.

Sidaas oo kale, waxey hoosta ka xarriiqday in kalluunka oo la cuno, gaar ahaan tunaha iyo mackerel-ka uu kaalin qaato kobcinta iyo howlgudashada maskaxda maadama laga helo omega-3 oo ah maaddo muhiim ah.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close