Khatarta Ay Leedahay Boorsada Dhabarka ee “Caruurta” Iskuullaadka U Qaataan

Madaxa xarunta rehabilitation-ka ee cudurrada murqaha “Valentin Dikul” ayaa sheegay in caruurta aaney habbooneyn illaa xilli go’an ay ka gaarayaan iney xabmaaraan boorsada dhabarka.

Dikul isagoo ka hadlaya wareysi uu la yeeshay “tv Zvezda” ee dalka Ruushka, ayaa waxa uu sheegay in boorsda dhabarka ay khatar dhanka dhabarka u keenayso caruurta, waxa uu tilmaamay in cudur kastaa uu dhabarka ka yimaaddo, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in ka hortag la sii sameeyo oo caruurta loo diido iney qaadaan miisaan culus xilliga caruurnimadooda.

Dikul  waxa uu yiri: “Caruurtu way boodaan, wayna dhaqdhaqaaq badan yihiin, arrintaasi wey fiican tahay mararka qaarna ma fiicna. sidaa darteed; illaa inta ay ka gaarayaan da’ cayiman looma ogola iney culeys xambaaraan.”

Ma habboona in caruunrtu miisaan culeys ah ay dhabarkooda ku qaadaan.

Khabiirkan waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Haaddii canuga uu ku dhaco disc(maaddo lafdhabarta ku jirta oo adkeysi uu ka helo) dhibaato gaarto, dhalinyaro-nimdiisa si adag ayuu u noolaanayaa. cudurrada oo dhan lafdhabarta ayaa saldhig u ah.”

Maandeeq FM