Wiil Dhalinyaro ah oo Sankiisa & Dhagahiisa u Jarjaray Sabab La Yaab Leh!

facebook.com/The Stars Post

Baraha-bulshada dalka Colombia waxaa aad ugu faafay sawirka wiil dhalinyaro ah oo 22 jir ah, waxa uu gooyay sankiisa iyo labadiisa dhagood indhihiisana wuu midabbeeyay, dhacdo noqotay tii ugu horreysay ee dalkaa lagu arko.

Jariidada “Daily Mail” ayaa sheegta in wiilkan Colombian-ka ah oo la yiraahdo Eric Yeiner Hincapié Ramírez, lagu naaneyso wiilka qolfoofka,  uu qirtay in uu illaa yaraantii jeclaa inuu isku ekaysiiyo qolfoof maydka oo kale, laakiin uu awoodi waayay inuu isku ekaysiiyo intii ay hooyadii nooleyd maadama aaney u ogolaan jirin inuu jirkiisa isbedel ku sameeyo, qalliinkiisii ugu horreeyay waxa uu isku sameeyay Labo sanno ka hor.

Xilligaa laga soo bilaabo sankiisa iyo labadiisa dhagood qeybo waaweyn ayuu ka jaray. carrabkiisa wuu kala jeexay, indhihiisa midab madow ayuu mariyay, madaxiisana sidoo kale, si uu ugu ekaado qolfoof.

Muuqaalkiisa cusub ayaa saxaafadda aad u soo jiitay, halka dadbadani ay dhalii u soo jeediyeen dhalanrogga uu isku sameeyay, waxa uu se sheegaa inaanuu dan ka lahayn cidkasta oo wax ka sheegta, waxaana uu tilmaamay inuu meel kasta kula kulmo dad taageersan oo jeclaysta iney isla sawiraan!.

Maandeeq FM