Computerkii Ugu Horreeyay ee Labo Shaashadood Iyo Khad Electronic ah Leh

Shirkadda Lenovo ee dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa daaha-ka-rogtay xilli ay ka qeybgaleysa shirkii Berline ee gacansiga IFA 2018 qalab laptop ah oo calaamaddiisa gacansi ay tahay Yoga, nooc ka mid ah laptop-yada ugu fudud oo laba shaashadood leh oo ay la socoto khad electronic ah(E Inka) oo la yiraahdo Yoga Book C930.

Shirkadda Lenovo ayaa isku dayaysa laptop -keeda cusub ee “Lenovo Yoga Book C930” iney isbedel ku sameyso wax-soo-saarka laptop-ka, waxa uu leeyahay labo shaashadood, mid dhinacyo badan ayaa loo adeegsan karaa oo waxa uu leedahay E Ink Keyboard laga dhigan karo oo laqudo badan taageeraya, kaas oo markii loo baahdo isku bedeli kara xasuus qor, waxaana la socoda qalinkii ugu casrisanaa oo Bluetooth iyo Wacom leh.

Computer-kan ayaa lagu dhawaaqay xilli laptop-yada iyo computer-ada desktop ay soo martay labo sanno oo adag oo iibsigoodu uu dunida aad ugu yaraa.

Maandeeq FM