Digniin Loo Jeedinayo Dadka Shaqadooda Xilli Hore Qabta.. Sida Dhakhsiyaha Badan Wax Ugu Qora (Keyboard) ka

© AP Photo / Francisco Seco

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa garaacday gambaleylka khatar cid kasta oo shaqada ku dadaasha, cid kasta oo shaqada xilli hore qabata ama dadka sida dhakhsiyah leh wax ugu qora keyboard ka si ay shaqadooda xilli hore u gutaan.

Jariidada “Daily Mail ee dalka Ingiriiska laga leeyahay  ayaa faafisay daraasad ay diyaariyeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Charles Sturt (CSU) ee ku taalla gudaha Queensland, daraasaddan ayaa lagu ogaaday in dadka sida dhakhsiyaha ah wax ugu qora Keyboard ka ay aad ugu nugul yihiin inuu ku dhaco cudurka (Parkinson) ee laleelmaha keena.

Daraasaddan ayaa lagu caddeeyay in 75% dadkii xogaha laga uruuriyay oo u badnaa dad si aad ah xariif ugu ahaa Keyboard ka si dhakhsiyo ahna wax uqu qora, ayaa lagu arkay calaamado hordhac u ah  cudurka Parkinson oo ku soo waajahan.

Waxaa si mugleh loo baaray 76 qof oo si dhakhsiyo ah wax ugu qora Keyboard ka, waxaa la arkay in 27 qof oo ka mid ah ay leeyihiin calaamdo fudud oo cudurka Parkinson ka ah, halka 15 qof oo kale lagu arkay in gacmahoodu ay iska gariiraan xilliyada qaar arrintaasina oo tilmaan hordhac ah u ah cudurka Parkinson.

Natiijada daraasaddan ayaa la gaaray kadib markii barnaamij lagu qiyaasayo heerka jarayska gacmaha lagu rakibay Keyboard ka ay ku shaqeeyaan ka qeybgalayaashii daaraasadda muddo 9 bilood ah.

Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu sheegay in cilmi-baarayaashu ay uruuriyeen natiijada daraasad lagu sameeyay 350 qof oo qaangaar ah oo UK ku nool, iyo xogaha hal-milyan oo qof oo Mareykanka ku dhaqan, isku najiiyo ayuunbaana u soo baxday.

Parkinson: Waa cudurka jareyska oo ah isku dhex yaac ku yimaada habdhiska neerfaha kaas oo saameyn ku yaasha habdhiska dhaqaaqa jirka.

Maandeeq FM