WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Plasma oo Abaalmarinno Qaali Ah Guddoonsiiyay Macallimiintii Ugu Wanaagsaneyd 2017

Xaflad abaalmarin ah oo lagu maamuusayay macallimiinta ugu wanaagsaneyd ee jaamacadda Plasma ayaa waxey ka dhacday maalinimadii shalay gudaha magalaada Muqdisho.

Xafladdan waxaa ka soo qeybgalay maamulka jaamacadda, madaxda ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, aqoonyahanno, macallimiintii la maamuusayay iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuulmay.

Ustaad Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ahaa guddiga qiimeynta macallimiinta ayaa sheegay in macallinka lagu soo xusho dhanka dadaalka uu u galo waxbaridda ardayda, isagoo xusay in qaabka loo soo xulay shaqsiyaadka muteystay abaalmarinnada ay ka eegeen dhinacyo badan.

Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed Dr Maxamed Yuusuf oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in abaalmarintan ay dhiirrigelin u tahay macallimiinta maadama ay shaqo adag u hayaan bulshada.

Guddoomiyaha jaamacadda Plasm Xasan Maxamed Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay iney abaalmarinnada noocan oo kale ah ay sii wadi doonaan, maadama ay macallimiintu lafdhabar u yihiin hanaanka waxbarashada ee dalka iyo sare u qaadista tacliinta sare.

Ugu dambeyn, abaalmarinnadii macallimiinta la guddoonsiyay waxaa ka mid ahaa gaari yar oo nooca raaxada ah oo lagu abaalmariyay macallinkii kaalinta Koowaad galay Eng. Maxamuud Abuukar Xasan, halka illaa 10 macallin ee ugu sarreeyayna, sidoo kale, abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close