CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Koritaanka iyo Ka Soo Deggista Jaranjarooyinka Faaii’dooyinka Ayay Leedahay

Dadka qaar waxey ka caajisaan iney jaranjarooyinka koraan ama ay ka soo degaan, taa bedelkiidan waxey isticmaalaan jaranjarada korontada ah ee sida automatic-ga ah u socota, laakiin waxaaney ogeyn in jaranjarada la koro oo laga soo dego ay ka mid tahay sports-ka ugu muhiimsan ee jirku uu ka helo faa‘iidooyinka ugu badan, caafimaadka jirka iyo midka nafeed labadaba u wanaagsan.

Khubarada jir-dhiska Mareykanka ayaa sheegay in koritaanka iyo ka soo degga jaranjarooyinka ay faaiidooyin badan leedahay, sida; dheelliritanka jirka oo ku hagaaga iyo awooddiisa oo ku kororta.

Aaladaha socodka ee jimicsiga loogu talagalay, naadiyada sports-ka, sidaas oo kale; koritaanka iyo ka soo deggista jaranjarooyinka murqaha ayaa ku dhisma iyo jirka guud ahaan, dheellitiranka jirka ayaa ku hagaaga, heerka kalastaroolka dhiigga ayaa ku wanaagsanaada, waa sida khubaradan ay sheegayaan.

Talada ay khubaadani usoo jeedinayaan dadka raba iney jirkooda xoojiyaan ayaa ah, iney markiiba labo jaranjaro ay koraan, iyagoo ciribta dhulka ku adkeynayo.

Waxey yiraahdeen: dadka isbuucii kora jaranjaro tiradeedu gaarayso 55 xabbo, caafimaad wanaagsan ayey ku naaloodaan.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jaranjarada oo la koro ama laga soo dego ay hagaajiso heerka sonkorta ee dhiigga, waxeyna khubaradu leeyihiin waxaa dhici karta in dhibaato ay kaa soo gaarto jilibka iyo anqowga, sidaa darteed ay lagama maarmaan ay tahay inaad si dhexdhexaad ah ugu socoto jaranjarooyinka, iyadoo ay wanaagsan tahay iney jaranjarooyinku biro leeyihiin si dhicitaan aad uga badbaaddo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close