Kuuriyada Koonfureed oo Qahwada Ka Mamnuucday Gudaha Iskuullaadka!

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday in laga mamnuucay Qahwada in lagu iibiyo iskuullaadka dalkaas maadama uu isticmaalkeedu uu aad ugu batay ardayda dooneysa iney baarug ka helaan xilliga habeenkii.

Kuuriyada Koonfureed ayaan laga ogoleyn laga soo bilaabo 2013 iibinta cabitaannada ay Caffeine-ka ku badan yahay, laakiin waxaa loo ogolaa macallimiinta iyadoo la ogaaday in arday badan ay u xeeladaystaan helitaanka Qahwada.

Xukuumadda K/Kuuriya ayaa ka digeysa caafimaad darrada la socota qahwada oo keena labbo-labbo iyo dhibaato ku timaadda garaaca wadnaha.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ammaanka cuntada iyo daawada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Qahwada iyo wax-soo-saarka kale caffeine-ku ku badan yahay la mamnuuci doono 14 September, iyadoo tilmaantay in ardayda ay waxbadan ka qaataan si ay daruusta ugu kaashadaan xilliga habeenkii.

Ammarkan ayaa waxaa laga dhaqan gelin doonaa gudaha iskuullaadka hoose, dhexe iyo sare, afhayeen u hadashay wasaaradda ayaa AFP u sheegay in: “Qahwada waxaa lagam mamnuuci doonaa, hab walba oo loogu qeybiyo gudaha iskuullaadka. ”

Kuuriyada Koonfureed ayaa kaalinta 7aad kaga jirta liiska dowladaha ugu badan ee bunka loo dhoofiyo, qiimaha ay ku soo iibsdaan waxa uu gaaraa 700 milyan oo dollar 2017, sida ay sheegeen ururka Kuuriya ee gacansiga caalamiga ah 2017. Celcelis ahaan 512 koob ayuu sanadkii isticmaalaa qofka Kuuriyada Koonfureed u dhashay.

Maandeeq FM