Sarkaal Horey Uga Tirsanaa CIA oo Sakaraatku Hayo: Sidan Ayaan U Dilay “Bob Marley”

Jariidad ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa lama filaan culus qarxisay oo ku aaddan geerida heesaagii caanka ahaa ee “Bob Marley” oo sarkaal horey uga tirsanaa CIA uu qiranayo inuu isagu gacantiisa ku dilay fannaankan heerka caalami.

Sarkaal horey uga tirsanaa CIA oo 79 jir ah oo la yiraahdo Bill Oxley ayaa sheegay in xukuumadda Mareykanka ay ku dabajirtay fannaanka, isla markaana ay abaabushay inta u dhaxeysay 1974 ilaa 1985  dilal oo lagu bartilmaameedsaday 17 qof oo kale oo sababo ideology-adeed iyo afkaar ay aaminsanaayeen lagu abbaarayay.

Sarkaalkan ayaa isagoo sakaraatul al-mowtku hayo qiraalkan sameeyay, CIA ayuu u shaqeynayay 29 sano, marar badan waxaa loo isticmaalay dilaa xirfadle ah si dad la iskaga hor leexiyo, kuwaas loo arko iney dhibaato ku yihiin maslaxadda Mareykanka.

Sarkaalkan oo wareysi siiyay wargeyska”Daily Star“, ayaa sheegay inaanuu damiirkiisu gubeyn, maadama uu isku arko inuu yahay qof waddani ah isla markaana aanuu marnaba ka shakisaneyn bartilmaameedka CIA.

Waxa uu sharraxaad ka bixiyay faahfaahinta qaabkii uu Bob Marley u dilay, waxa uu tilmaamay inuu iska soo dhigay wariye u shaqeeya jariidada aadka loo akhristo ee New York Times si loogu ogolaado inuu fannaanka la kulmo, waxa uu sheegay inaanuu gacmo marnaan ugu tagin ee uu u sii qaaday Labo kabood oo nooca Converse-ka sports ka ah oo lugihiisa lagu soo qiyaasay, “Marka uu lugtiisa midig geliyay, si uu u hubiyay iney ku habboon yihiin iyo in kale, ayuu qayliyay isagoo xanuunsanaya… irbad ayuu ku jirta ayuu ku qeyliyay.. Xilligaa waxaan xaqiiqsaday shaki la’aan inuu dhiman doono.”

Iyadoo ay jirto inaan lahayn qiso si dhab ah uga caddeynaysa shirqoolkii lagu dilay Bob Marley, ayaa khubaro  baartay 2014, ay ogaadeen inuu u geeriyooday kansar naadir ah oo aanuu ka qaadin Qorraxda, sidii markii hore la aaminsanaa.

Maandeeq FM