Dalxiiska Buugaagta: Sababta Ugu Badan ee Shirkadaha Hoos-u-Dhaca u Keenta

Kulligeen waxaan jecelnahay inaan noqonno dad taajiriin ah, waxaa dooneynaa inaan guuleysanno, waxaan rabnaa inaan helno mashaariic heerka aan joogno inaga qaada oo heer kale oo ka sarreeya ina gaarsiiya.

Haddii aad dooneyso inaad mashruucaaga gaar ka ah furato maalin maalmaha ka mid ah akhriso qormadan, haddii kale, faa’iido kuuma laha waxaa ila habboon inaadan waqtigaaga iska lumin.

Maanta waxaan ka hadleynaa buug kaa garabsiinaya inaad si wanaagsan  u bilowdo mashruuciidaada khaladaadka soo noqnoqdana aad uga fogaan karto.

Buugga aan maanta idiin soo gudbineyno waxaa la yiraahdaa  “Zero to One“, waxaa qoray Peter Thiel, oo horey PayPal u aasaasay, maalgashina ku sameeystay Facebook saami badanna ku leh. waxa uu khabiir ku yahay habka mashaariicda loo sameeyo, buuggan waxaa la qoray 2014, Goodreads waxa uu ka helay 4.2/5.

Fikradda ugu muhiimsan ee uu buuggu xambaarsan yahay wey sahlan tahay, waa cidna ha ku dayan, ha ku dayan mashruuc aad u aragto inuu guuleysto oo cid kale ay iska leedahay. Buugga waxa uu leeyahay marka aad adigu fikarad cusub bilowdo, markaas ayaad meel Eber ah intaad wax ka bilowday wax dhistay oo qiimo aad sameysay 0-1, halka marka aad dadka kale ku dayato ay xaaladdu tahay 1-n, jugjug meeshaada joog oo ficil hore loo sameeyay un aad ku soo celcelisay.

Dalkeenna marka aad eegto qof baa tukaan furanaya maalmo ayuu kala soconayaa oo waxaa la arkayaa inuu guuleystay, 10 kale ayaa isla markiiba laga ag furanayaa oo isla badeecadii un ay taallo, arrintaas oo keenaysa in tukaamadii ay is nuxur dilaan qofkii hal-abuurka lahaana uu horey u socon waayo.

Hadii aan buugga u soo noqonno quraagu(Peter Thiel) cutubka koowaad waxa uu kaga hadlayaa dalka Mareykanka, waxa uu is-barbardhig ku sameyanayaa fikradda “Globalization”, iyo fikaradda “Teknoolojiyadda”, waxaana uu tilmaamayaa in Maryekanku uu Sagaashameeyadii u jihaystay dhanka teknoolojiyada, xilligaas dowladaha dunida waxey ku mashquulsanaayeen iney mashaaraaciida guuleystay ee dowladaha kale ay mid la mid ah dalkooda ka fuliyaan, halka Mareykanka wax cusub laga curinayay, arrintaasina ay dhalisay inuu teknoolojiyadii dunida uu hoggaamiyo, wax-soo-saarkeediina uu qabsado.

Faa’iidada laga dhaxlo inaad meel Eber ah wax ka bilowdo

Monopoly

Monopoly –ga waxa uu noqonayaa xaqaaga dabiiciga ah, maadama aad adugu shayga soo hindistay oo aad soo curisay, marka aad soo bandhigto wax aaaney dadka kale soo bandhigin waxaad guraneysaa miraha daalkaaga.

Shirkadda Apple waxa ka dhigay iney shirkadaha dunida ugu qiimaha badato iyadoon mobile Smartphone ah aan la aqoon ayay dunida ku soo kordhisay taleefoonka iPhone, arrintaas oo sumcadeeda kor u qaadday kana dhigatay shirkadda ugu qiimaha badan dunida, adigaana helay faa’iidada ugu badan ee laga heli karo.

Horumarinta mashaariicda aad bilowday.

Fikaradda kale ee buuggani uu xambaarsan yahay waa sidee mashaariicda socda loo horumariyaa oo looga dhigaa kuwo guuleysata.

Marka aad aragto in mashruucaagii aanuu gaareyn horumarkii loo baahnaa.. joogso oo tallaabo dib u laabo, raadi sidii aad ku cusbooneysiin lahayd oo aad uga dhigi lahayd mid mirodhal ah.

Buuggan waxaa ku qoran tusaalooyin badan shirkado wax-soo-saar hal-abuur leh la yimid oo meel wanaagsan ku gaaray. kuwo kale oo dib u habeyn ku sameeyay maashaariicdoodii hore oo markii dambe ku guuleystay, fikradda aasaasiga ah ee uu xambaarsan yahay waa hal-abuur yeelo oo cidna ha ku dayan marka aad dooneyso inaad meel sare gaarto gaarto.

FG: Ogow marka aad akhriso koobitaanka buuggan ee “Maandeeq FM” kuu sameysay ha moodin inaad dhameysay waxwalba oo ku jiray gudaha buugga, haddii aad karto iibso oo akhriso, faa’idada ku jirtaa ma’aha  mid la soo koobi karo.

Halkan Guji si aad u iibsato Buugga

Maandeeq FM