Dhakhaatiirta Wadnaha.. Fasaxu Cimriga Ayuu Dheereeyaa

Dhakhaatiirta wadanaha ayaa caddeeyay in dadka fasaxyada dhaadheer qaata ay cimidherar ka helaan, in cudurrada wadanaha iyo xidada dhiigga ay qaadaanna ay ku yaraato, marka loo barbardhigo dadka xilliyo dhaadheer shaqeeya fasaxuna uu ku yaryahay.

Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin uu jeediyay Professor Timo Strandberg oo ka tirsan jaamacadda Helsinki kana tirsan kulliyada Caafimaadka ee jaamacaddaas, warbixintan ayaa lagu dhageysta shirkii ururka dhakhaatiirta Wadnaha ee lagu qabtay Munich, Germany.

Dr. Strandberg iyo kooxdiisa cilmi-baarista ayaa helay xiriir aan caadi ahayn oo ka dhaxeeya cudurrada wadanaha iyo xididada dhiigga iyo geerida, xilli ay si gaar ah ula socdeen xaaladda 1200 qof oo ka mid ah ragga ugu taajirsan ee Helsinki muddo nus-Qarni ah, cilmi-baarayaashu dadkaa waxey u qeybiyeen labo kooxood, koox nolol caafimaad ku dhaqma oo ay u raacsaneyd qaadashada daaawooyin kolostoorlka xun jirka kala dagaallama oo ay dhakhaatiir u qoreen. Iyo koox kale oo noloshooda siday rabaan u dhaqma oo nidaam gaar ah aan raacsiisneyn.

Kooxda koowaad, sida uu Dr.Strandberg leeyahay, waxaa saameyn ku yeeshay habdhaqankii noloshooda oo cudurrada wadnaha iyo xidada dhiigga waxey hoos udhaceen 46% marka loo barbardhigo kooxda labaad, xaaladdooda caafimaad si la taaban karo ayay u wanaagsanaatay, laakiin tirada dhimashada kooxda koowaad muddo 30-sano ah wey ka badnaayeen kooxda labaad, farqiqa u dhexeeya labada kooxoodna wey sii korortay marba marka ka dambeysa, arrintaas oo ku kalliftay dhakhaatiirta iney baaraan sirta ka dambeysa natiijadan lama filaanka ah ee ay la kulmeen.

Markii la baaray waxaa la ogaaday in sirtu tahay in kooxda koowaad uu fasaxoodu yaraa, hurdadooda ay yareyd, dadaalkooda shaqaduna uu badnaa, halka ganacsata ay shaqadoodu badneyn uu cimrigoodii gaabtay, waxeyna u dhinteen sababo ku aaddan cudurrada wadanaha iyo xididada dhiigga laaxiriira. Tusaale ahaan; heerka dhimashada ragga fasaxooda sanadlaha ah uu ahaa muddo 3 isbuuc ah ama in ka yar waxey ka sarreeyeen dhanka dhimshada 37%, marka loo eego kuwa fasxoodu uu ahaa bil dhammeystiran.

Cudurrada wadanaha iyo xididada dhiigga la xiriira, sida uu sheegayay ururka caafimaadka Adduunka, waa sababta ugu badan ee dadka dunida ay dhintaan, waxaa sanadkii u geeriyooda 17 milyan oo qof sanadkii. Sida daraasaddan ku cad fasaxa iyo nasashadu waa u muhiim nolosha aadanaha.

Maandeeq FM