E-mail ka & Gawaadhidu Qiimo Lama Laha.. Maxaad Ka Taqaannaa Jiilka “Z” ee Isku Dhex Yaaca Ka Abuuray Gudaha Jaamacadaha Adduunka

Jiilka jaamacadaha soo gala xilligan aan joogno waxey challenge xoogga ku yihiin macallimiinta jaamacadaha, caadooyinkii hore jaamacadaha uga jiray kuma dhaqmaan, aragti goonni ah ayay ka haystaan waxbarashada, shaqada, waa jiil ka duwan jiilalkii hore jaamacadaha uga soo qalinjabiyay.

Jiilkan dhalinyaradiisa waxaa lagu naaneysaa jiilkii Z, macallimiinta waxey ku yihiin challenge sidii wax loogu dhigi lahaa macaluumaadkana loo gaarsiin lahaa.

Sida ay qortay jariidada New York Times, Jiilkan waxey xiriir adag la leeyihiin Internet-ka, shuruuradooha gaar ka ah ayayna ku soconayaan oo mid jaamacaddu u dejisay lagma yaabo iney ku dhaqmaan.

Jiilka Z waa jiilka dhashay intii ka dambeysay 1997, waana kan ku xiga jiirlka Millennials oo ah jiilkii 2000 xilligoodu waxa uu ka soo bilowdaa marka la ballaariyo 1980.

Jiilkan sidee Jamacaduhu ku soo jiitaan?

Jean M. Twenge, oo ah psychology professor oo ka tirsan jaamacadda San Diego State University, ayaa tiri, maadama ay caruurtani dhasheen intii u dhaxeysa 1995 iyo 2012, jiilkan waa jiilka ugu kala duwanaanshiyaha badnaa taariikhda inta la ogsoon yahay.

-Jiilkan markii ay jaamacadaha ku biireen waxey ku sameeyay isbedel, madaxda jaamacadahana waxey ku khasbeen iney isticmaalaan Twitter iyo Instagram oo ay adeegsadaan erayo la jaanqaadi kara fahamka ardayda oo ay ku jiraan erayda casriga ah.

-Jaamacaduhu sababtooda waxey ku khasbanaadeen iney iPhone-ka aqbalaan nidaamkooda waxbarashana ay ku soo daraan bedelkii ay la dagaalami lahaayeen. sidaas oo kale waxaa khasab noqotay in la bedelo habka wax dhigista oo mararka qaar la raaco nidaam la yaab badan oo mararka qaar waalli lagu tilmaami karo.

-Habka kaliya ee Farriimaha loo gaarsiin karaa waa baraha bulshada.. dhanka e-mailka waxey ka aaminsan yihiin inuu yahay shay qadiimi ah oo laga tagay.

Maandeeq FM