Myanmar.. Saxafiyiin u Shaqeeya “Reuters” oo Xabsi 7sano ah Lagu Xukumay

Garsoore ka tirsan Myanmar ayaa xukun ku riday saxafiyiin ka tirsan wakaaladda Wararka Reuters, kadib markii lagu eedeeyay iney ku xadgudbeen Qaanuunka sirta dowladda. Waxa uu ku riday xukun 7sano oo xabsi ah.

Garsooranaha oo layiraahdo Ye Lwin  ayaa sheegay in Kyaw Soe 28 jir ah iyo Wa Lone oo 32 jir ah ay ku xadgudbeen qaanuunka sirta rasmiga ah kaas oo soo baxay xilligii gumeysiga, waxey uruuriyeen xogo sir ah, ayuu yiri.

Waxa uu intaa sii raaciyay: «Labadan eedaysane.. waxey jabiyeen qaanuunka sirta rasmiga ah, waxaana lagu xukumay muddo 7sano oo xabsi ah. waqtiga garsoorahani uu ku xukumay ayaa 12 December dib loo eegi doonaa.»

Saxafiyiintan ayaa maqaaxi dabin loogu dhigay, si loo horistaago warbixin ay muddo uruurineyeen oo ku aaddaneyd dil-wadareed loo geystay Muslimiinta Rohingya.

Wa Lone ayaa markii xukunka lagu riday yiri : «Wax baqdin ah ma dareemayo.. wax khalad ah ma aanan sameyn.. waxaan aaminsan nahay cadaalad, dimuqraadiyad iyo xorriyad.»

Si kastaba, dadka xorriyadda saxaafadda u dhaqdhaqaaqa, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Kanada, Australia, ayaa ku baaqay in la sii daayo saxafiyiinta Reuters.

Maandeeq FM