Robot Waxbara Caruurta Xanaanooyinka ee Gudaha Dalka Shiinaha

Caruutan ayaa aad u qoslaya guri xanaano oo ku yaalla Beijing, xilli ay isku dayayeen iney xalliyaan su’aal uu weydiiyay macallinkooda cusub oo ah robot yar oo madax wareegsan leh oo wata shaashad touch screen.

Robotkan dhirirkiisu waa 60cm waa kaaliyaha waxbarasho ee madaxa bannaan “Keeko”, waxaa laga isticmaalaa 600 oo xarumood oo ku yaalla gudaha dalka Shiinaha, ardayda wuu u sheekeeyaa, waxaanuu usoo jeediyaa hal-xiraaleyaal dhanka caqligooda ka shaqeysiinaya.

Candy Xiong oo ah tababare taqaanna habka Keeko ugu shaqeeyo gudaha xannaanooyinka ayaa tiri  «Waxbarashadu maanta hal-dhinac oo kaliya maaha oo macallin kaligiis uu xiisad soo jeedinayo ardayduna ay dhageysanayaan».

Waxey intaa sii raacisay: «Madax iyo jir wareegsan, waxa uu robot-kani leeyahay muuqaal lagu qoslo, markii ay caruurtu arkaan isla markiiba way ku soo uruurayaan.»

Shirkadda soo saarta robot Keeko ayaa qorsheynaysa iney iney mashruuceed ballaariso oo iskuullaadka nidaamiga ah ay gaarsiiyo, isla markaana loo iib geeyo wadamada kale ee Asia.

Maandeeq FM