Sucuudiga oo Isbedel Ku Sameeyay Xilliga “Cumrada”

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sucuudiga ayaa Axaddii dhaqan gelisay isbedello lagu doonayo in lagu kordhiyo tirada dadka Cumrada iyo Xajka aadaya si la jaanqaadaysa aragtida Sucuudiga ee 2030.

Wasaaradda ayaa sheegtay in isbedellada cusub ay keenayso in xilliga Cumrada uu ka bilowdo dhalashada bisha Muxarram (9 cisho ka dib), bedelkii markii hore caadada ahayd sanad walba in la bilaabo bisha Safar (Febraayo) ku aadaneyd.

Wasaaraddu sidaas oo kale waxey sheegtay in iyadoo la shaqeynaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga la soo saari doono visa-ha dadka doonaya Cumrada, iyadoo lala jaanqaadayo aragtida 2030 ee ku aaddan in la kordhiyo tirada dada Xaj iyo Cumro doonka ah.

Cabdifaraax Mashat oo ku-xigeenka Wasiir Xajka iyo Cumrada Sucuudiga ayaa xaqiijiyay in wasaaraddu ay dooneyso iney Xujeyda u fududeyso iney ka soo galaan dhammaan waddooyinka kala duwan ee safarka, inta ay airport-ka ay joogaanna lagu soo koobo 30-40 daqiiqo, waxaanuu intaa sii raaciyay: ” Sanadkii hore waxaan dabbaqnay in Xujeyda adeegyadooda loo soo dhammeeyo iyagoo jooga Airport-kooda inta aaney Sucuudiga soo gaarin ka hor, iyadoo Xaajigu uu diyaaradda ka soo baxayo isla markiina uu horey ka korayo gaariga.”

Tirada dadka cimrada u aaday Sucuudiga sanadkii hore waxey gaareen 7 milayn oo qof, waxaana uu Sucuudigu doonaya in dadkaa la gaarsiiyo 15 milyan 2022 iyo 30 milayn marka la gaaro 2030.

Maandeeq FM