Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Ka Digtay Jaamacado Shabaq u Daadsan Yahay oo Ardayda Ku Soo Xero Geliay Xeelad Una Diida Iney Ka Bedeshaan

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay jaamacado ardayda ku soo xero geliya Scholarship kadibna u diida iney meel kale uga bedeshaan.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi ayaa hadal uu ka jeediyay  xafladda ay ku qalinjabinayeen arday ka tirsan jaamacadda Jamhuuriya August 28, 2018 ayaa hambalyadii ardayda ka dib ka hadlay dhowr arrimood oo khuseeya tayada waxbarashada sare, isagoo si gaar ah hoosta uga xarriiqay xeelad ay jaamacadaha qaar sameeyaan si ay u soo jiitaan ardayda.

Dr. Cabdishakuur ayaa ka hadlay farriin ay u direen jamaacadaha inaaney aqbali karo arday aan dhammeysan dugis sare:

«Warqad baan u qornay hadda markii ardayda la qaadanayay jaamacadaha, waxaan niri waa in la ilaaliyaa standard-ka ugu hooseeya oo ay dowladuhu ku dhaqmaan, inaan arday dugsi sare aan ka soo bixin aaney jaamacad qaadan karin, maxaa yeelay; tacliin sare in la hagaajiyo haddii la rabo, waa in ardaygu dugsi sare uu ka yimaaddo.»

Waxa uu hoosta ka xarriiqay shabaq  jamacadaha qaarkood u daadsan oo ay ku soo xero geliyaan ardayda marka ay arkaan in tayadii looga horreyo arday badanina aaney usoo jeedin:

«Tan ku xigta waxa weeye waxaa is-barbar yaac noqday scholarship in arday loogu qaato jaamacad, iyadooney dowladdu ogeyn oo markaa kadibna ay is-qabsadaan jaamacaddii iyo aradygii, maxaa yeelay, jaamacaddii arday ma helayso meesha waxaa ka jira tartan, ardaydii waxey aadayaan jaamacadaha tayada leh, haddii aaney  quality lahayn ardayda uma imaanayaan, laakiin shabaq baa loo dabay, in la yiraahdo scholarship weeyaan jaamacaddeenna, ardaygii marka uu ku dhaco shabaqa oo uu semester iyo labo dhigto oo uu arko in meeshii aanuu macno badan lahayn, waxa uu damcayaa inuu ka bedesho meeshii, maamulkii ayuu u tagayaa waxa uu ku leeyahay hal-sano ayaan halkan dhiganayay waan bedelanayaa, waxaa loo sheegayaa inaanuu bedelan karin, markaa dacwado badan oo dhib badan ayaa jira, sidaa awgeed jaamacadaha tayo ayaan rabnaa in loo socdo.»

Si kastaba, sanad walba waxaa jira jaamacado kala duwan oo dalka ku soo kordha oo marka ugu horreysa ardayda ku soo xiro geliya Scholarship marka dambena lacag ku soo dallaca ama u diida iney jaamacado kale uga bedeshaan.

Maandeeq FM