WararkaWaxbarashada

Ardayaddii Ugu Horreysay ee Xijaaban oo Gaartay Kama Dambeysta Tartanka Boqoradda Quruxda Ingiriiska

Muslimad Xijaaban oo da’deedu tahay 20-jir ayaa gaartay kama dambeysta tartanka boqoradda quruxda Ingiriiska ee 2018, dhacdo noqoneysa tii ugu horreysay taariikhda dalkaasi.

Haddii ay ku guuleysato Sara Iftekhar oo dhigata jaamacadda Huddersfield ee ku taalla West Yorkshire, Miss Huddersfield 2018 , waxey Ingiriiska u matali doontaa tartanka boqoradda quruxda adduunka ee lagu qaban doono dalka Shiinaha.

Sara hadda waxey joogtaa kama dabeysta tartanka oo ka dhici doona barxadda Kelham ee ku taalla Nottinghamshire, Talaaladada.

Sara maaha gabadhii ugu horreysay ee xijaaban ee tartanka ka qeybgasha, laakiin waa gabadhii ugu horreysay ee kama dambeystiisa gaarta.

Gabadhan ayaa barteedka GoFundMe ku soo qortay: “Tartanka boqoradda quruxda 2018 waxaan uga qeybgalay si aan u muujiyo in quruxdu aaney qeexid gaar ah la hayn, qof walbaana uu u qurxoon yahay wadadiisa gaarka ah, iyadoo aan la eegayn culeyskiisa, halka uu ka soo jeedo, midabkiisa iyo sida uu u eeg yahay.”

Gabadhani haddii ay ka guuleysato gabdhaha kale ee la-tartamaya ee 49 gabdhood ah, Ingiriiska ayay u matali doontaa tartanka quruxda Adduunka oo sanadkan ka dhaci doona dalka Shiinaha.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close