WararkaWaxbarashada

Bandhigga Buugaagta ee “Cadaado Book Fair” oo Maanta Furmay

Bandhigga Buugaagta ee Cadaado Book Fair ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta baarlamaanka Galmudug ee degmada Cadaado.

Abwaan Xirsi Dhuux, Guddoomiye ku xigeenka golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa horey u bogaadiyay Carwada buugta Cadaado oo uu ku tilmaamay iney gobollada dhexe oo dhan u noqon doonto meel ay ku soo hirtaan, bulshadanada ugu baaqay iney si ballaaran uga soo qeybgalaan:

“Bandhigga buugaagta ee Cadaado lagu qabanayo waxa uu iigu muuqdaa mid aad u qiimo badan, soona jiidanaya bulshada gobollada dhexe oo dhan iyo bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug dhammaantood, waxaan rajeynayaa inaan heli doono bandhiggaasi dad badan oo ka qeybgala, khaas ahaan golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed qeybaheeda kala gaddisan, ganacsatada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dhammaan bahda qoraalka u saaxiibka ah.”

Si kastaba, Bandhigga Buugaagta ee Cadaado Book Fair oo socon doona maalmaha 4, 5 bishan September, ayaa ah kii ugu horreyay ee noociisa oo kale ah ee lagu qabto gobollada dhexe.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close