Dhakhtar Irbad Ku Soo Illoobay “Laabta” Bukaan uu Qalliin Ku Fulinayay Arrintaas oo Keenatay Dhimashadiisa!

Dhakhtar Qalliin oo Mareykan ah ayaa irbad ku soo illoobay wadnaha bukaan uu qalliin ku sameynayay, arrintaas ayaa keentay inuu si tartiibtartiib ah naftu uga baxdo markii uu bil dhan la sakaraadayay, waa sida ay sheegeen qaraabada bukaanka.

John Burns Johnson oo 73 jir ah, degan magaalada Lafayette ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka, ayaa qalliin dhanka wadnaha ah oo qaatay muddo 9saacadood ah loogu sameeyay isbitaalka TriStar Centennial hospital, iyadoo uu qalliinka fuliyay Dr. Sreekumar Subramanian.

Markii uu qalliinku dhammaaday, ayaa dhakhtartu waxa uu ogaaday in irbad ka mid ah kuwii uu ku shaqeynayay ay ka maqan tahay, arrintaas oo keentay inuu mar labaad laabta bukaanka furo oo muddo saddex saacadooda uu ka dhex raadiyo, markii uu arkay laakiin meeshii ay gashay wuu ka soo saari kari waayay, waxaana ku adkaatay khaladkii uu galay inuu saxo.

Dacwad ay qaraabada bukaanku ku soo oogeen dhakhatarka ayaa waxaa ka mid ahaa in uu irbadda kaga soo tagay gudaha laabta, taas oo keentay in xaaladda bukaanku ay sii xumaato muddo 30 cisho ah, arrintaas oo u diidday in guriga dib loogu celiyo, irbaddii waxaa laga soo saaray markii maydkiisa baaritaan lagu sameeyay kadib.

Wakiillo matalayay isbitaalka ayaa ku dhawaaqay iney taxadar ka muujin doonaan bukaannada kale oo ay u fulin doonaan dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen, xaaladda qaraabada John ay fahamsan yihiin muragada ay dareemayaanna ay la qeybsanayaan.

Isbitaalku weli wax tallaabo ah kama aanuu qaadin dhakhtarkii qalliinka fuliyay oo wata darajada (5 star), ahna dhakhatarka qalliin ee ugu sarreeya isbitaalka.

Maandeeq FM