arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Wariye Ah oo Sagootisay Dhageystayaasheeda Inta Aaney Geeriyoon Maalmo Ka Hor

Weriye Ingiriis ah ayaa sagootisay saaxiibadeed iyo dhageystayaasheeda iyadoo farriin usoo marisay dhanka Baraha-bulshada, kadib markii ay dhakhaatiirtu u sheegeen iney maalmo kooban haysato, kansar ku dhacay dartii.

Rachael Bland oo (40 jir) ah, oo ka tirsan “BBC Radio 5” ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay: “Waxaan ka baqanayaa saaxiibbadayow in waqtigii la gaaray waxaa la ii sheegay inaan maalmo kooban haysto.. Dhammaan waan idiin mahadcelinayaa gabar istaaggiinnii iyo sida aad iila danqaneyseen mudadaasi.”

Waxey hadalkeeda sii raacisya: “Nabadgalyo Saaxiibbayaal.. waxaa dhici karta inaan akhrin karin dhammaan farriimihiinna, waanse isku dayi doonaan inaan akhriyo intii karaankeyga ah.. mar kale waxaan idiin leeyahay nabadgalyo.”

Rachael ayaa waxaa ku dhacay kansarka naasaha 2016, qeybtii uu ka hayay ayaa laga xiddo siibay, kadibna waxaa la marsiiyay daaweyn kiimiko ah sanadkii hore, waxaana qalliin looga sameeyay Quunka, laakiin baaritaannadii dambe ee lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in karsarkii uu jirka oo dhan ku faafay.

Sida ay qortay jariidada Independent,  Rachael waxey is-qabeen Stave muddo ku dhow 5 sano, waxey sheegtay iney dedejineyso qoraalka buug xasuus qor ah oo ay nacfigiisa uga tageyso wiil yar oo ay dhashay oo la yiraahdo Freddie oo hadda 2 sano jir ah.

Waxey sheegtay iney ku jirto tartan dhab ah oo dhanka waqtiga ah, waxeyna farriin u sii reebtay wiilkeeda yar oo ay tiri: ” Haddii aad i tabto, waxaad i helaysaa inaan wax qorayo xilli uu i agyaallo caag biyo ah oo aan cabbayo.!”, iyadoo markaa tilmaameysay xaaladdii ay wax ku qoreysay.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close