Awoodihiisa Caqliga Waa Sida «Arday Fasalka 5aad ama 6aad Dhigta».. Buug Cusub oo Aqalka Cad Xilliga Trump Ku Tilmaamaya «Dunid Waalatay»

Buug cusub oo uu soo saaray saxafiga caanka ah ee Reer Mareykan Bob Woodward, ayaa Aqalka Cad waxa uu ku tilmaamayaa xilliga madaxtinimo ee Donald Trump inuu ku dhex jiro  «Mental breakdown.» maskax faar joogta ah, shaqaaluhuna ay isku dayayaan iney xakameeyaan hoggaamiyahooda, arrintaas oo ka careysiisa madaxweynaha shaqaduna ay maalmo u istaagto.

Buuggan oo nuskhad ka mid ah ay heshay jariidada «Washington Post» inta aan la soo saarin ka hor ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu shaqaalihiisa cadaadis ku saaro si ay ammarradiisa u fuliyaan, arrintaas oo dhibaatooyin waaweyn keeni karta, ayuu yiri, wadada kaliya ee u furanna ay tahay iney ammarradiisa iska indho tiraan.

Dhacdo buugga ku xusan, Janaayo 19,  Trump ayaa  la-taliyihiisa Ammaanka Qaranka weydiiyay sababta ay ciidanka Mareykanku u joogaan gacanka Kuuriya, Wasiirka Difaaca James N. Mattis ayaa garwaaqsay iney lagama maarmaan tahay in madaxweynaha loo sheego: «Waxaan sidaa u sameynnay si aan u horistaagno dagaalka Saddexaad ee Adduunka.»

Kulankaa kadib, ayaa Mattis uu u sheegay saaxiibbadii, in heerka fahamka madaxweynuhu uu la mid yahay Arday dhigta «fasalka 5aad ama 6aad», waa ilma yar oo da’diisu tahay 10 ilaa 11 jir.

Dhacdooyinka kale ee buugga ku qoran waxaa ka mid ah; 2017, kadib markii madaxweyne Bishaar al-Asad lagu eedeeyay inuu weerar kiimiko ku dilay dad badan oo rayid ah ayaa madaxweyne Trump uu Mattis ku amray in la dilo Bishaar al-Asad.

Ammarkaa wuu ka qaatay madaxweynaha, laakiin kaaliyihiisa waxa uu u sheegay inuu qoro in Mareykanku ay tallaabo qorsheysan ka qaadi doonto Suuriya, jawaabtaa oo markii dambe noqotay hab weerar ciqaabeed ah.

Buuggan la sugayo ee Woodward ayaa daahrogaya «Baqdinta Trump ku haysata gudaha Aqalka Cad», kaaliyeyaashiisa oo ammarradiisa iska indho tira si joogto ah ama isku daya iney ka horistaagaan inuu ammarro cusub soo saaro.

Buuggan ayaa la filayaa inuu soo baxo 11 September, saxafiga buuggan qoray ee Bob Woodward ayaa soo caanbaxay fadeexaddii Watergate oo uu ka mid ahaa labadii qof ee kashiftay, taas oo keentay inuu xilka iska casilo madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Richard Nixon, horey waxa uu buugaag awood badan oo uu ku dhaliilayo uga qoray George W. Bush iyo Barack Obama.

Maandeeq FM