“Culumada Islaamka” oo Fariin u Diray Sucuudiga Kadib Markii La Maxkamadeeyay Salman al-Cowda

Midowga Caalamiga ah ee culumada Islaamka ayaa farriin u diray xukuumadda Sucuudiga, kadib markii la gudo galay maxkamadynta Sheekh Salman al-Cowda.

Mudawga oo bayaan uu soo saaray ayaa ku sheegay: “Waxaan ka soo horjeednaa in Sheekh Salman al-Cowda lugu tilmaamo inuu yahay argagixiso, inuu yahay iska daaye waxa uu fadeexadeeyay argagixisada ay wadaan dowladaha qaar.”

Culumadan ayaabayaankooda uga digay in “Culumada oo lala colleytamo, la xiro marka ay xaqa sheegaan, ay arrintaasi tahay arrin aan ciribteed la mahdin doonin oo aan yididiilo fiicneyn ciqaab adagna ay ka dhalan karto.”

Xeer ilaalinta guud ee Suucidga ayaa codsatay in Sheekha tacsiir ahaan loo dilo!, kadib markii loosoo jeediyay 37 dacwadood oo dhammantood ku lug leh argagixisonimo.

Maandeeq FM