Guulihii Laga Gaaray «Cadaado Book Fair» oo Maanta Lasoo Afmeeray

Cadaado Book Fair oo maallinimadii shalay ka furmay xarunta baarlamaanka Galmudug ee degmada Cadaado ayaa sanadkan ay u tahayd kiisii koowaad, waxaa ka soo qeybgalay 40 ka mid ah qoraaga Soomaaliyeed iyo abwaanno ka kala yimid guud ahaan dalka, maamulka degamada, siyaasiyiin, bulshada Cadaado iyo guud ahaan Galmudug oo dhinac kasta looga kala yimid.

Bandhigga si uu si wanaagsan ugu hirgalo waxaa Shalay iyo Maanta loo fasaxay dugsiyada sare ee Cadaado si ay ardaydu uga helaan faa’iidada ugu badan ee Bandhigga.

Agaasimaha bandhigga Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo aan wareysi gaar ah siiyay Maandeeq FM ayaa sheegay in fikradda carwada ay soo bilaabatay 8 bilood ka hor,  lix dhalinyaro ah oo uu ugu horreeyo ay saldhigg u ahaayeen, waxa uu sheegay iney bandhigga gacan ka geysatay Maandeeq Air, Hirgelintiisana uu kaalin weyn ku lahaa Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi  ‘Qoorqoor‘.

Waxa uu ka hadlay ulajeedada Carwadan iyo Guulihii labada Cisho laga gaaray:

«Danta aan Carwadan ka lahayn waa in wax-soo-saarka waxbarasho la kobciyo, lana helo meel ay dadka reer Galmudug ka helaan buugaagta lagama maarmaanka u ah kobcinta iyo horumarinta waxbarashada ayna ka iibsan karaan, waxaan la jaanqaadnay kacdoonka bandhigyada buugaagta ee Somaliya baryihii dambe ka hano qaaday, waxaan qorsheysan inaan sanad walba qabanno, marka loo fiiriyo bandhigyadii naga horreeyay sanadkoodii koowaad, waxaan aaminsan nahay inuu kan ahaa kii ugu wanaagsanaa, wax aanan ka fileyn oo aad u wanaagsan ayaan kala kulannay, bulshaduna aad ayay noosoo booqdeen, buugaagtana u iibsadeen.»

Waxa uu noo sheegay in sanadkan uu hal-ku-dhaggoodu ahaa: «Wax akhri si isbedelkii loo baahnaa aad u sameyso.»

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bogaadiyay qabanqaabada carwada buugaagta ee Cadaado Book Fair isagoo yiri: «Horumarinta dhaqanka iyo suugaanteenna waxay qayb weyn ka yihiin sare u qaadidda garaadka bulshadeenna

Maandeeq FM